Wiil Yamani ah oo Qaxooti ku ah Garoowe oo La Jirdilay – Tallaabo Degdeg ah oo Laga Qaatay”

Maxamed Caadil, waa 8 jir Yamani ah oo qaxooti ku ah Garoowe. Wuxuu dusha ka saaran yahay qayb ka mid ah mas’uuliyadda qoyskiisa, isagoo suuqyada Garoowe ku wareejiya tusbax, si haddii laga iibsado uu reerka maalinkaas uga qayb qaato biilka.

Maanta, isagoo caga-cad (kaba la’aan) ah, una muuqda mid daallan kaddib socdaalkiisii suuqa, ayuu arkay kursi meel yaalla. Wuxuu ku fariistay si uu xoogaa ugu nasto, hase yeeshee hal mar ayuu ka war helay dhowr dharbaaxo oo lagu dhuftay. Waxaa la dhacayay nin oday ah oo xiran dharka tuutaha ciidamada. Inkasta oo dad badan oo meesha joogay ay ku soo baxeen dhawaaqa qalbi-taabadka lahaa ee ka baxayay wiilka saqiirka ah, haddana waxaa murugo sii ahayd in uu la kulmay jirdil isagoo aan wax dambi ah gelin, marka laga reebo inuu kursigaas fariistay.

Waxaa mahadcelin mudan maamulka Puntland oo si dhaqsa ah tallaabo uga qaaday dhagar-qabaha saqiirkaas jirdilay iyo cid kasta oo door ku lahayd in laga jawaabo tacaddigaas. Si gaar ah, waxaan u mahadcelinayaa wiilka Harqaanlaha ahaa ee muuqaalkan duubay, kaas oo la’aantiis ay adkaan lahayd in la ogaado dhibka dhacay. Waxaan codsanayaa in dariska ciidanka looga saaro meel fagaare ah, si loo hubiyo in aan waxyeello dambe loo geysan dadka aan is difaaci karin.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.