Goobo hor le ayaa laga qabsaday Kooxdii Daacish waxaana la wareegay Ciimada Puntland.

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa qaaday howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxaha Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku lahaayeen xarumo istiraatiiji ah.

Howlgalkan oo ka dhacay dhowr jiho ayay ciidamada Puntland ku guuleysteen in ay ka saaraan Daacish deegaannada Curaar iyo Gaatir-oodan, oo ka mid ahaa saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee kooxda argagixisadu ku lahayd gobolka Bari.

Intii uu socday dagaalka, Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa goobta ku arkay gawaari iyo mootooyin ay burburiyeen duqeymihii ugu dambeeyay ee lala beegsaday Daacish. Sawirrada laga soo qaaday goobaha la xoreeyay ayaa muujinaya jabka culus ee Khawaarijta lagu gaarsiiyay howlgalka, taasoo caddeyn u ah sida ay Puntland ugu adkeysaneyso dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada.

Daraawiishta Puntland ayaa horey u qaaday weerarro ka dhan ah kooxaha argagixisada, iyagoo marar badan ku guuleystay in ay xoreeyaan dhul ay ku dhuumaalaystaan, gaar ahaan buuraha gobolka Bari oo ah dhul buuraley ah oo ay kooxahaasi isticmaalaan si ay uga fuliyaan weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada amniga.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada Puntland ee lagu sugayo amniga gobolka, iyadoo la filayo in la xoojiyo duqeymaha iyo weerarrada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Bari.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.