
Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa qaaday howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxaha Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku lahaayeen xarumo istiraatiiji ah.
Howlgalkan oo ka dhacay dhowr jiho ayay ciidamada Puntland ku guuleysteen in ay ka saaraan Daacish deegaannada Curaar iyo Gaatir-oodan, oo ka mid ahaa saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee kooxda argagixisadu ku lahayd gobolka Bari.
Intii uu socday dagaalka, Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa goobta ku arkay gawaari iyo mootooyin ay burburiyeen duqeymihii ugu dambeeyay ee lala beegsaday Daacish. Sawirrada laga soo qaaday goobaha la xoreeyay ayaa muujinaya jabka culus ee Khawaarijta lagu gaarsiiyay howlgalka, taasoo caddeyn u ah sida ay Puntland ugu adkeysaneyso dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada.
Daraawiishta Puntland ayaa horey u qaaday weerarro ka dhan ah kooxaha argagixisada, iyagoo marar badan ku guuleystay in ay xoreeyaan dhul ay ku dhuumaalaystaan, gaar ahaan buuraha gobolka Bari oo ah dhul buuraley ah oo ay kooxahaasi isticmaalaan si ay uga fuliyaan weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada amniga.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada Puntland ee lagu sugayo amniga gobolka, iyadoo la filayo in la xoojiyo duqeymaha iyo weerarrada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Bari.