Duqeymo Culus oo Lagu Beegsaday Godadka Daacish ee Buuraleyda Bari

Caawa ayaa duqeymo culus laga fuliyay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday goobaha muhiimka ah ee kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, labo kamid ah duqeymaha ay fuliyeen saaxiibada Soomaaliya ayaa lala eegtay boholo ku yaalla deegaanka Xabkookib, oo dhaca agagaarka Dhasaan iyo Daray-Madoobe. Duqeymahan ayaa lagu burburiyay keyd hub ah oo ay lahaayeen Daacish iyo gaadiid la rumeysan yahay in ay saarnaayeen walxaha qarxa oo kooxdaasi u diyaarisay in ay ku dhibaateyso ciidamada Puntland ee howlgalka ka wada buuraleydaasi.

Intaa waxaa dheer, duqeymaha ayaa lagu dilay ku dhowaad 20 xubnood oo katirsan Daacish, halka aagag kale oo la tuhunsan yahay inay ku sugnaayeen xubno sare oo katirsan kooxdaas si gaar ah loo beegsaday.

Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, oo hadda maraya wajigiisii labaad, ayaa guulo waa weyn laga gaaray, iyadoo lagu dilay boqolaal ajaanib ah oo katirsan Daacish, halka la burburiyay xarumo muhiim u ahaa kooxdaas.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.