Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

Beersheba – Jimce, 20-ka Juun 2025 W/Q: Mohamed Abdi Koblehshe | xamarcade.com

Waxaa xalay saqdii dhexe weerarro gantaallo ah si toos ah loogu beegsaday magaalada Beersheba ee koonfurta Israa’iil, taas oo horey dhowr jeer loogu qaaday weerarro toos ah toddobaadyadii u dambeeyay. Weerarradan ayaa ka dhashay dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dalalka Iran iyo Israa’iil.

Gantaalladii xalay dhacay midkood ayaa si toos ah ugu dhacay meel u dhow dhismayaal ay dad rayid ah deggan yihiin, xafiisyo ganacsi iyo xarumo warshadeed, waxaana sababay god weyn iyo burbur xoogan. Warbaahinta maxalliga ah ee Israa’iil ayaa baahisay muuqaallo muujinaya baabuur gubanaya, qiiq madow oo cirka isku shareeray iyo daaqado jabay.

Sida uu sheegay Shafir Botner, oo ka tirsan kooxaha gurmadka degdega ah, “Waxaan helnay gantaal si toos ah ugu dhacay agagaarka dhismo dad degan yahay, burburkuna waa mid aad u weyn.” Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan lix qof ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen qaraxa, halka weli lagu jiro baaritaanno lagu raadinayo dadka ku sugan gudaha guryaha.

Weerarkan ayaa daba socda gantaallo ay Iran ku beegsatay isbitaal weyn oo ku yaalla Beersheba maalintii Khamiistii. Iran waxay sheegtay in ay bartilmaameedsatay saldhigyo militari oo ku dhowaa isbitaalka, balse Israa’iil waxay arrintaas ku tilmaantay been cad, iyadoo sheegtay in meelahaasi aysan wax militari ah ku sugneyn.

Dhinaca kale, ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay iyaguna xalay weerarro cirka ah ku qaadeen caasimadda Iran ee Tehraan, gaar ahaan xarumo lagu farsameeyo gantaallada iyo xarumo cilmi-baaris oo la sheegay in lagu horumariyo hubka nukliyeerka.

Xiisadda siyaasadeed, midda amni iyo tan milatari ee u dhaxeysa Tel Aviv iyo Tehran ayaa cirka isku shareertay, waxaana weli socda weerarro is-daba joog ah oo horseedaya khasaare naf iyo maalba leh.

Beersheba oo ah magaalada ugu weyn koonfurta Israa’iil ayaa hadda ah bartilmaameedka ugu weyn ee Iran, iyadoo dadku ay ku jiraan cabsi iyo walwal joogto ah, taas oo muujinaysa sida ay dagaalladu u saameeyeen nolosha shacabka.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.