
Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe ee sanad dugsiyeedka 2024-2025.
Wasiirka waxaa munaasabadda furitaanka ku wehliyay Guddoomiye ku-xigeenka caasimadda, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, iyo Taliyaha Booliska Caasimadda. Intii lagu guda jiray daahfurka, Wasiir Dhoore wuxuu ardayda la wadaagay dardaaran iyo talooyin muhiim ah oo ku aaddan sida ay muhiim u tahay in si xasillooni iyo kalsooni leh ay u wajahaan imtixaanka. Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in sanadkan si rasmi ah loo dhaqan geliyay xeerka ka hortagga qishka, si loo ilaaliyo hufnaanta iyo sumcadda nidaamka waxbarashada.
Wasiirka ayaa warbixin guud ka bixiyay habsami u socodka imtixaanka, isagoo tilmaamay in maanta ay imtixaanka u fariisteen 7,968 arday kuwaasoo imtixaanka ku galaya 41 xarumood oo ku kala yaalla 18 degmo iyo 3 deegaan oo ka tirsan Galmudug.
Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa sanadkan qaadaysa imtixaanka Fasalka 8-aad markii 7aad oo xiriir ah, taasoo muujinaysa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada heer gobol.