Wasiirka Amniga Gudaha oo Shir Muhiim ah Guddoomiyay si loo Dardargeliyo Howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Muqdisho – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta guddoomiyay shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Shirka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, iyo agaasimeyaasha hey’adda ee ka kala socda dowlad goboleedyada dalka.

Intii uu socday shirka, mas’uuliyiintu waxay Wasiirka uga warbixiyeen howlaha muhiimka ah ee ay hey’addu u hayso bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la isla gartay in la xoojiyo adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda gaar ahaan gobollada dalka.

Waxaa sidoo kale shirka lagu falanqeeyay sidii loo mideyn lahaa nidaamyada shaqo ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, loona horumarin lahaa adeegyada si loo daboolo baahiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintu waxay isla lafa gureen caqabadaha jira, fursadaha horumarineed, iyo tallaabooyinka lagu tayeyn karo adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda.

Ugu dambeyn, Wasiir Fartaag ayaa ku dhiirrigeliyay madaxda hey’adda in ay xoojiyaan wada-shaqeynta iyo is-afgaradka u dhexeeya hay’adaha heer federaal iyo kuwa dowlad goboleed, si shacabka loogu adeego si hufan oo amni lagu dheehay.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.