
Hindiya iyo Pakistan oo isku raacay xabbad-joojin iyo wadahadal rasmi ah
Dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa isku raacay in la joojiyo colaadda ka aloosan xadka gobolka Kashmir, iyagoo sidoo kale ku heshiiyay in la bilaabo wadahadallo rasmi ah oo lagu xallinayo khilaafaadka taariikhiga ah ee u dhexeeya.
Heshiiskan ayaa yimid kaddib dadaallo diblomaasiyadeed oo ay hoggaaminayeen Maraykanka, gaar ahaan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, kaasoo sheegay in labada dal ay ogolaadeen xabbad-joojin degdeg ah iyo wada xaajood dhexdhexaad ah oo lagu qaban doono goob aan labada dhinac midna u janjeerin.
“Raysal-wasaarayaal Narendra Modi iyo Shehbaz Sharif waxay muujiyeen xikmad, dulqaad iyo hoggaan doorbiday waddada nabadda, taasoo mudan bogaadin,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Rubio ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, JD Vance, ay 48-kii saac ee lasoo dhaafay la kulmeen saraakiil sare oo ka kala socday Hindiya iyo Pakistan, oo ay ku jiraan labada raysal-wasaare. Kulamadan ayuu ku sheegay kuwo miro-dhal ah, islamarkaana horseeday is-afgarad hordhac ah oo dhanka nabadda ah.
Wuxuu intaa ku daray in Maraykanku uu diyaar u yahay inuu garwadeen ka noqdo geeddi-socodka nabadeed ee labada dal, isagoo ku booriyay beesha caalamka in ay taageerto dadaalladaas si loo gaaro heshiis waara.