Soomaaliya & Turkiga: Iskaashi Cusub oo Dhinaca Amniga ah oo Laga Wada Hadlay Muqdisho.

Muqdisho – Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab. Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo, ixtiraam iyo dan-wadaag, isla markaana uu sii xoogeysanayo sanadba sanadka ka dambeeya.

“Turkigu waxa uu door muuqda ka qaatay taageerada dhanka amniga iyo dib u dhiska hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Waa saaxiib muhiim ah,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dhankiisa, Safiir Alper Aktaş iyo wafdigiisa ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Waxa ay carabka ku dhufteen sida ay uga go’an tahay in ay gacan ka geystaan la dagaallanka argagixisada, taageerada ciidamada, iyo horumarinta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.