Sidee loo soo qabtay Ninkii Toogashada ka baxday hadase la hayo iyadoo Tiirka la gaynayo?

Ciidamada Galmudug iyo Macawisleyda ayaa Gacanta ku Dhigay C/qani Suleymaan Jaamac (Sayloor) oo Horey uga Baxsaday Xabsiga Gaalkaacyo

Ciidamada oo kaashanaya Macawisleyda Deegaanka ayaa gacanta ku dhigay C/qani Suleymaan Jaamac (Sayloor), oo ahaa xukume horey uga baxsaday xabsiga magaalada Gaalkaacyo kaasoo Toog ku Xukunaa.

Sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Booliiska Galmudug, Sayloor ayaa laga soo qabtay deegaanka Bacaadweyne, iyadoo ay si weyn uga qayb qaateen howlgalkaasi ciidamada deegaanka Macawisleyda Wisil iyo shacabka deegaanka.

“Xukumanaha C/qani Saleebaan Jaamac (Sayloor) oo hore uga baxsaday xabsiga magaalada Gaalkaacyo ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana gacan weyn ka geystay shacabka iyo ciidamada Macawisleyda ee ku sugan Wisil iyo Bacaadweyne,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Puntland.

Mas’uuliyiinta ammaanka Puntland ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo ciidamada deegaanka ee Galmudug kaalinta ay ka qaateen sugidda amniga, waxayna sheegeen in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaalka lagu xaqiijinayo xasiloonida gobolka Mudug iyo is kaashiga labada Maamul iyo Shacabkooda.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.