Dhuusamareeb waxaa lagu qabtay Xuska Maalintii la aas aasay Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo laga joogo 55 Sano.

Munaasabadda Maalinta Aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ciidamada ay soo bandhigeen dhoolatus. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Galmudug, Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Galmudug, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Galmudug, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, iyo Guddoomiyaha Caasimadda Dhuusamareeb.

Xuseen Axmed Carab, oo ah Hoggaanka Saadka, ayaa ka warbixiyey taariikhda aas-aaska Ciidanka Asluubta iyo shaqooyinka ay qabtaan.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb, Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geedqorow), oo munaasabadda ka hadlay, ayaa ballan qaaday dhulka laga dhisi doono xabsiga, wuxuuna bogaadiyey shaqada ay Ciidanka Asluubtu u hayaan bulshada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, Cismaan Cali Hudeey, ayaa sheegay in Ciidanka Asluubtu si wanaagsan ula shaqeeyaan maxkamadaha, wuxuuna xusay in saraakiishooda hoggaaminaysa ay mudan yihiin in la dalacsiiyo.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Galmudug, Cabdullaahi Axmed Maxamed, ayaa bogaadiyey adeegga ay Ciidanka Asluubtu u hayaan bulshada, isagoo uga mahadceliyey sida ay uga madax bannaan yihiin waxyaabaha aan wanaagsanayn.

Maalinta maanta oo kale, sanadkii 1970-kii, ayaa la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana sanad guuradii 55-aad si weyn looga xusay Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb. Ciidanka Asluubta ee Galmudug ayaa dadaal badan soo galay, iyagoo qabta shaqooyin dheeraad ah oo muhiim u ah bulshada.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.