Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, kulankaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah — Soomaaliya iyo Qatar.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku sii xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, maalgashiga, iyo horumarinta adeegyada bulshada ee labada dal ay ka wada shaqeeyaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyn la wadaagay Danjiraha Qatar dhambaal tacsi rasmi ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u direyso Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, kaddib shil gaari oo naxdin leh oo dhawaan ka dhacay dalka Masar, kaas oo sababay geerida saddex muwaadin oo u dhashay Qatar iyo dhaawaca qaar kale.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku muujiyay hadal uu ka jeediyay kulanka sida ay Soomaaliya uga xun tahay dhacdadaas murugada leh, isaga oo yiri:
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay Dowladda iyo shacabka aannu walaalaha nahay ee Qatar uga tacsiyeyneysaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid muwaadiniin u dhashay dalkaas oo ku geeriyooday shil gaari oo saaka ka dhacay meel ku dhow magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto intii dhimatay, kuwa dhaawaca ahna uu bogsiin degdeg ah siiyo.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay mar kasta garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qatar, maadaama labada dal uu ka dhexeeyo xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah, kuna dhisan is-aamin, iskaashi, iyo taageero wadajir ah.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay kaalinta muuqata ee Dowladda Qatar ay ka qaadato taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo gurmadka bani’aadantinimo ee loo fidiyo bulshada Soomaaliyeed.
Isagoo ammaan u jeediyay Qatar, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in dadaallada iyo maalgashiyada ay dowladda Doha ku bixiso gudaha Soomaaliya ay yihiin tusaale cad oo muujinaya sida dalalka walaalaha ahi ay isugu hiilin karaan xilliyada adag.
Danjire Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay u muujiyeen walaaltinimada iyo tacsida ay u direen Dowladda iyo shacabka Qatar. Wuxuuna xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid sii xoogeysanaya, ayna Dowladda Qatar ka go’an tahay in ay sii wado taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed si loo gaaro horumar waara iyo xasilooni siyaasadeed.
Kulankan ayaa ku soo idlaaday jawi saaxiibtinimo iyo wadatashi, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo amniga. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay mar kasta u furan tahay wadashaqeyn dhow oo lagu hormarinayo danaha labada dal ee walaalaha ah.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay mahadcelinta uu u hayo Dowladda Qatar, isaga oo xusay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Qatar xilligan murugada leh, isla markaana ay rajeynayso in xiriirka labada dal uu noqdo mid sii xoogeysanaya oo ku saleysan walaaltinimo, is-aamin, iyo dan guud oo mideeya labada shacab.
✍️ Wariye: Mohamed Abdi Koblehshe Xamarcade Media Muqdisho – Soomaaliya




