Addis Ababa, 12 Oktoobar 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed Ali. Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga horumarineed, iyo nabadda gobolka Geeska Afrika.
Intii uu socday kulanka labada hoggaamiye, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, dhiirrigelinta iskaashiga ku saleysan daris-wanaagga, iyo kor u qaadista kalsoonida siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee labada dal.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya mar walba diyaar ugu tahay wadashaqeyn ku dhisan dan wadaag, is-ixtiraam iyo ilaalinta madaxbannaanida dal kasta. Wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo salka ku haya isu soo dhowaansho dhaqan, ganacsi iyo amni, isla markaana aan loo baahnayn wax carqaladeyn kara nabadda iyo daris-wanaagga labada shacab.
“Waxaan aaminsanahay in daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam lagu dhisi karo mustaqbalka gobolka. Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Itoobiya iyo dalalka kale ee gobolka si loo xaqiijiyo xasillooni, horumar iyo amni waara,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Ahmed, ayaa soo dhoweeyay safarka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Itoobiya ay doonayso in ay sii xoojiso xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhaqaale ee kala dhexeeya Soomaaliya. Abiy Ahmed ayaa carrabka ku adkeeyay in Geeska Afrika uu u baahan yahay hoggaamiyeyaal hal-abuur leh oo hormuud ka noqda mideynta dadaallada horumarineed iyo ka hortagga khataraha amni ee caqabad ku ah gobolka.
Labada masuul ayaa isku raacay in la dardar geliyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo la dagaallanka argagixisada, iyagoo hoosta ka xarriiqay in iskaashi dhab ah oo derisnimo lagu xaqiijin karo nabad waarta iyo horumar joogto ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku adkeeyay mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dal kasta, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in aan la faragelin arrimaha gudaha ee dalalka kale, lana dhowro heshiisyada iyo qiyamka caalamiga ah ee ku saleysan wada-noolaanshaha iyo iskaashiga nabadeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay door muuqda ka qaadato mideynta dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada iyo xagjirnimada oo weli caqabad ku ah horumarka gobolka.
“Xasiloonida gobolka waa mid aan laga maarmin. Soomaaliya waxay ka go’an tahay inay si buuxda uga qeyb qaadato qorshayaasha lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika. Argagixisada waa dhibaato aan xuduud lahayn, mana jiro dal keliya oo kaligiis la tacaali kara,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay fursadaha ganacsi ee labada dal ay iska kaashan karaan, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga xuduudaha, dhoofinta badeecadaha iyo maalgashiga, iyadoo la isku raacay in la abuuro jawi ku habboon ganacsatada labada dal si ay ugu fududaato isdhaafsiga badeecadaha iyo adeegyada.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bogaadiyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dib u dhiska iyo horumarinta dalka, isagoo ballan qaaday in Itoobiya ay diyaar u tahay inay taageerto mashaariicda horumarineed ee labada dal dan ugu jirto.
Kulankan ayaa kusoo dhammaaday isfaham iyo is-afgarad ku dhisan walaaltinimo iyo dan guud oo mideysa labada dal. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo dardar geliya arrimaha iskaashiga, lana diyaariyo qorshe cad oo lagu hirgelinayo heshiisyada iyo is-afgaradyada la gaaray.
Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Itoobiya ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka, si loo hubiyo amni iyo xasillooni siyaasadeed oo waarta.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed mid miro-dhal ah oo muujinaya in labada dal ay u heelan yihiin xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed, isla markaana ay ka go’an tahay inay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha amniga, horumarka iyo nabadda gobolka.




