Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 71-aad ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed, oo ku beegan 12-ka Oktoobar 2025.

Maalintan qaaliga ah ee taariikhiga ah ayaa sanad walba si weyn looga xusaa guud ahaan dalka iyo dunida daafaheeda, iyadoo ay tahay maalin ku suntan taariikhda halganka qaran ee shacabka Soomaaliyeed, maalintii ugu horreysay ee la taagay calanka buluuga ah ee xiddigta cadda leh, oo noqday astaan mideysa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Kusimaha Madaxweynaha Dalka, Mudane Sheekh Aadan Madoobe, ayaa khudbad uu shacabka u jeediyay ku xusay in maalinta Calanka ay leedahay qiimo aan la soo koobi karin, maadaama ay dib inoo xusuusinayso maalintii uu shacabka Soomaaliyeed ka soo baxay gumeysigii, una istaagay dhismaha dawlad madax-bannaan oo ku dhisan hal-adayg, isu-tanaasul iyo halgan shacab oo dheer.

“Maalinta Calanka waa maalinta aynu xasuusano halgankii dheer ee ay shacabka Soomaaliyeed u soo mareen xorriyadda iyo madaxbannaanida. Waa maalin aynu ku xusno geesiyaashii dhiiggooda iyo nafahooda u huray difaaca astaamaha qarannimada, si calanka buluuga ahi uu maanta ugu dul babado dalkeena,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa intaa ku daray in calanka Soomaaliyeed uu yahay astaan mideysa ummadda, kana tarjumaysa halbeegga midnimada, qarannimada, iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in ay waajib qaran tahay in la dhowro, la xoojiyo, lana qiimeeyo calanka, maadaama uu yahay calaamadda ugu sarreysa ee dalnimo iyo sharaf u ah qaranka.

“Calankeennu waa astaan muqaddas ah. Waa hooyga astaamaha qarannimada, waa tiirka ay ku dhisan tahay midnimadeenna, waana calaamadda ina mideysa. Maalinta calanka waa maalin aan ku faanno, ku baranno, kuna xoojino jacaylka aan u qabno dalkeena,” ayuu raaciyay Kusimaha Madaxweynaha.

Intaa kaddib, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay maalintan u adeegsadaan sidii fursad lagu xoojinayo midnimada, nabadda, iyo wadajirka bulshada. Wuxuu xusay in dhalinyarada iyo jiilka cusub lagu barbaariyo qiimaha calanka iyo waddaniyadda, si ay u fahmaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo difaaca qaranimada.

“Dhalinyaradeenna waa in ay bartaan taariikhda calanka, waa in ay ogaadaan in xorriyadda maanta aynu haysanno ay ku timid dhiig iyo halgan. Waa in ay fahmaan in calanka aanu ahayn kaliya maro buluug ah oo leh xiddig cad, balse uu yahay astaanta muujinaysa jiritaankeena, sharafteena iyo isku duubnaanteena,” ayuu yiri Sheekh Aadan.

Maalinta Calanka Soomaaliyeed, oo la xusay sanadkii 1954-kii markii ugu horreysay, ayaa astaan u noqotay halgankii gumeysiga lagaga adkaaday, waxayna xambaarsan tahay fariin qaran oo ku saabsan isku duubni, nabad iyo horumar. Calanka buluuga ah, oo ay xiddig cad bartamaha kaga taallo, waxa uu matalaa shanta Soomaaliyeed ee taariikhiyan isku afka, dhaqanka, iyo diinta ah, taas oo ah riyo weli ku jirta qalbiyada shacabka Soomaaliyeed ee doonaya midnimo buuxda.

Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda, kuwaas oo sanad walba si shucuur waddaniyadeed leh u dabaaldega maalinta calanka, isaga oo ku booriyay in la adkeeyo jacaylka waddanka iyo ilaalinta astaamaha qaran.

Sidoo kale, Kusimaha Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay si dhab ah uga shaqeeyaan nabadda, wadajirka iyo horumarka dalka, isagoo xusay in midnimadu tahay furaha guusha iyo jiritaanka qaranka.

“Waddaniyaddu ma aha oo keliya in la taago calanka, balse waa in lagu dhaqmo qiyamka uu calanku u taagan yahay: isku duubni, daacadnimo, iyo difaac qaran. Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay gacmaha is qabsadaan, nabadda ilaaliyaan, oo si wadajir ah u difaacaan karaamada iyo jiritaanka dalkeena,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu dambeyn, Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tacsi, duco iyo mahadcelin u jeediyay halgamayaashii Soomaaliyeed ee ku naf waayay difaaca calanka iyo qarannimada, isagoo sheegay in xusuustooda iyo geesinimadooda ay weligeed ku noolaan doonto qalbiyada shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta waa maalin aan ku xasuusano geesiyaashii naftooda u huray xorriyadda, waa maalin aan ku xoojino kalsoonida dalkeena, kuna muujinno sida aynu u jecelnahay Soomaaliya. Waxaan Alle ka baryayaa inuu nabad iyo barwaaqo ku asturo dalkeena, calankeenana uu mar walba u noqdo mid sare u babada sharafta Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya.