• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Xisbiga WADDANI oo ku baaqay in madaxweyne Muuse Biixi is casilo

Xisbiga WADDANI oo ku baaqay in madaxweyne Muuse Biixi is casilo

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu is casilo ama xil ka xayuubin lagu saneeyo kaddib markii heshiishkii Dekadda Berbera Imaaaradku sheegay in ay la saxiideen dowladdii hore ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha xisbiga WADANI C/raxmaan Cirro ayaa sheegay in warka ka soo baxay wasiirudawlaha arrimaha Dibadda Imaaraadka ee uu siiyey idaacada BBC-da qaybteeda Carabiga ay tilmaamayso in heshiishkaasi uu saxeexay mdaxweynihii hore ee Soomaaliya, taasina ay ka hor imanayso hadaladii madaxweynihii hore ee Siilaanyo iyo madaxweyne Muuse Biixi shacabka u sheegayeen oo uu ku tilmaamay kuwo beenoobay.

Gudoomiye Cirro oo eedeentii ugu kululeed u jeediyey xisbiga KULMIYE waxa uu yidhi “Siyaasadu been maaha mala awaal maaha shacabkaaga oo la hagar daameeyo maaha, danta shacabka oo laga saraysiiyo danta shakhsiga maaha, waxa cadaatay in xukumadihii kala dambeeyey ee KULMIYE hasaawe been ah ugu sheekaynayeen shacabkoodda”

“Madaxweynihii hore Axmed SIilaanyo wuxuu sameeyey khiyaamo qaran oo ku mudan in maxkamada la hor geeyo, Madaxweyne Muuse wuxuu jabiyey dastuurka wuxuu ku kacay khiyaamo qaran waxa u banaan laba mid kood inuu yeelo inuu is casilo, dadkana saamaxad waydiisto, kuna dhowaaqo in la qabto doorashooyinka madaxweyne oo cusub, waa kale oo u banaan hadii uu taas yeeli waayo in lagu qado khiyaamo qaran oo lagu sameeyo maamuus ka xayuubin”ayuu yidhi Cirro.

Gudoomiyuhu waxa kale oo uu tilmaamay inay jirto in dadkii la iska xidh xidhayo oo xoriyatul qawlkii meesha ka baxay, waxaanu yidhi “Kulmiye wuxu irida u xidhay xuquuqul insaankii xoriyadi hadalka, jeelasha way buuxaan mid hadlay iyo mid baraha bulshada wax ku qoray mid wargeys wax ku qoray mid riyooday mid aan wali loo sheegin wixi lagu magay intuba liintay jeelka ku dhex cabayaan”

Xisbiga WADANI ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray wasiirudawlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash uu yahay mid khashifay wararkii beenta ahaa ee heshiishka lagula gallay Imaaraadka .

Anwar Qarqaash ayaa sheegay in heshiishka dekadda Berbera ay saxeexeen xukuumadii hore ee Soomaaliya, isla markaana aanay xafiis ku lahayn Somaliland wax xidhiidh ahna aanay la lalahayn Somaliland.

You may also like

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more
Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ah

Wasaaradda Dastuurka oo Muqdis..

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *