• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Xiriirkii u Dhaxeeyay Somalia iyo Imaaraatka oo sii xumaaday iyo Xog ku aadan waxa la isku heesto

Waxaa sii xumaanaya xariirka u dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabata,

waxa ayna arintaasi keentay in Safriikii Dowlada Imaaraatka u fadhiyay magaalada Muqdisho si deg deg ah looga yeeray dalkiisa kuna laabtay.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa ka carootay go’aanka ay Dowlada Federaalka Soomaaliya uga soo horjeesatay in saldhiga Milatari ay ka dhigato garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera, waxa ayna horey saldhigaasi ugala heshiisay Maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo dhawaan booqasho ku tagay Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in madaxda dalkaasi kala hadlay sidii loo faragalin lahaa qorshaha Imaaraatka ku doonayo in saldhig milatari uga dhisato Garoonka Diyaaradaha Berbera.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa la sheegay in si deg deg ah ugu yeertay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Danjire Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi, waxa uuna safiirka ku laabtay magaalada Abuu Dubai.

Amarkan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa lagu shegay in uu safiirka ugu laabtay dalkiisa, Safiirka ayaana la filayaa in uu warbixin siiyo Wasaarada Arimaha Dibada .

Dowlada Cusub ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid aan raali ka aheyn qorshaha ay Dowlada Imaaraatka Carabta saldhiga uga dhiganeyso magaalada Berbera, waxa ayna Madaxda dowlada sheegeen in Somaliland ay tahay dhul Soomaaliya kamid ah .

Xariirka Dowlada Soomaaliya kala dhaxeeyay Imaarataka ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid sii xumaanayay, Dowlada Imaaraatka oo taageero badan siisa Dowlada ayaa lasoo baxday dhaqamo cusub oo wax u dhimaya Madax bananaida iyo jiritaanka dowlada Soomaaliya.

Dowlada Imaaraatka ayaa heshiis kula gashay Maamulka Somaliland in saldhig ciidan ka dhigato Garoonka Diyaardaha magaalada Berbera, waxaana heshiiskaasi Somaliland ku heshay dhaqaale badan

You may also like

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more
Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ah

Wasaaradda Dastuurka oo Muqdis..

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]

read more

One response to “Xiriirkii u Dhaxeeyay Somalia iyo Imaaraatka oo sii xumaaday iyo Xog ku aadan waxa la isku heesto”

  1. Abdulrahman M. Omar says:

    Viva MADAXWEYNE Farmajo N ooloow baan leenahay.
    Arrinka Somalia iyo Somaliland waa arrin innaga innoo yaalla faragelin shisheeye waa innaanad u ogolaan haba yaraatee.
    Somalia noplaato SOMALILANDNA hajirtoo ha joogto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *