• (SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwanRead More
  • DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka JabuutiRead More
  • Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare DhacayRead More
  • SAWIRRO “Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Safiirka TurkigaRead More
  • Xildhibaano ka tirsan BF oo kormeeray xabsiga dhexe ee XamarRead More

Xamaas oo sheegtey in ay diyaar u tahay wada hadalka PLO

Ururka Xamaas ee ka taliya marinka Qasa ee dhulka Falastiin ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Dowlad Midnimo la dhistaan dhaq-dhaqaaqa Fatax ee PLO.

Bayaan ka soo baxay ururka Xamaas maanta oo Axad ah ayaa lagu sheegay in ay oggolaadeen xujooyinkii Madaxweyne Maxmuud Cabbaas (Abu Mazin) uu ku xirey wada hadalka labada garab ka hor doorasho guud ee ka dhacda maamulka Falastiin.

Dhaq-dhaaqaaq Fatax ayaa maamulkoodu ku kooban yahay daanta galbeed ee ay haystaan Israiliiyiintu, halka Xamaas ay ku kooban tahay marinka Qasa.

Xamas iyo PLO ayaa dagaalo culus dhex mareen sanadkii 2007, waxaana Xamaas ku guuleysatey in ay PLO ka saaraan marinka Qasa. Tan iyo markaas maamulka Falastiin ayaa u qaybsanaa laba kooxood oo iska soo horjeeda.

Bayaanka ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in ay Madaxweyne Cabbaas ku casumayaan marinka Qasa. Maamulka Xamaas
waxaa daciifiyey cunno qabateynta ay ku hayaan Israel iyo Masar.

Wararku waxay sheegayaan in wada hadal ay yeeshaan Xamaas iyo PLO ay ka soo shaqeysey dowladda dalka Masar. Ismaaciil Hanniyah oo metalaayey Xamaas ayaa todobaadkii hore Qaahira kula shirey ergo ka socotey Fatax.

You may also like

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwan

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiir..

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka ay maanta yeesheen oo uu […]

read more
DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Mu..

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Xildhibaano┬á reer jabuuti ah ay kamid yihiin […]

read more
Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare Dhacay

Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Da..

Dagaal dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay maanta suuqa magaalada […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *