• Guddoomiye Jawaari oo ka dalbaday Xukuumadda in la horkeeno tirada Ciidamada Shisheeye ee dalka ku suganRead More
  • Kismaayo oo uu ka furmaayo shirkii Fiscal Federalism ee maareynta maaliyadda dalkaRead More
  • Wiil dhalinyaro ah oo lagu Gowracay MuqdishoRead More
  • Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Mas’uul cusubRead More
  • SAWIRRO: Wafdi ka socda QM oo yimid MuqdishoRead More

Xagee marayaa darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Somalia? (Daawo Sawirro)

Derbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa weli si habsami leh uga socda xadka labada dal.

Wax ka yar 20-km ayaa illaa hadda laga dhisay derbigan kaasoo la gaarsiinayo xadka labada dal oo dhererkiisu gaarayo 700-km kaasoo ka bilaabanaya Mandhera illaa degaanka Kiunga oo ku yaalla xeebta gobolka Lamu.

Wararka ayaa sheegaya in derbigan uu hadda soo gaaray xadka labada dhinac ee degmooyinka Beled xaawo iyo Mandhera.

Shacabkkii sida fudud isaga talaabi jiray labada dhinac ayaa si weyn uga walaacsan kala qeybinta derbigan uu sababay, iyagoo ku qasban hadda iney maraan koontroolada looga gudbo xadka ee ay joogaan ciidamada Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in derbigan uu ka celin doono weerarada ay gudaha dalkaas ka fuliyaan xoogaga Al-shabaab ee ka soo talaaba xadka Somalia.

Waxaa laga dhisayaa darbigan dhagax jaajuur ah, shub iyo biro aanan jab iyo duleel aqoonin, kadibna waxaa kor laga marinayaa fiilooyin danab ama koronto wata oo qofkii ama xayawaankii taabta ay maanso qabanayso.

Waxaa sidoo kale meelo isu muuqda laga dhisayaa koolbo-waardiyo , kadibna waxaa la saarayaa askar qoryaha shiishka wata oo illaalo ah, waxaana intaasi dheer kaamirooyinka CCTV oo lagu xirayo derbigan si loola socdo dhaqdhaqaaqa xuduuda.

Waxaa dhismaha derbigan fulinaya shirkad Yuhuudu leedahay oo lagu magacaabo Magal Security Systems Ltd.

Dhaqaalaha ku baxaya mashruucan oo gaaraya malaayiin dollar ayaa waxaa dowlada Kenya gacan ka siinaya dowlada Israa’iil oo saaxiib dhow la ah.

Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay iney saldhigyo ku leyihiin gudaha Kenya, waxaana dad badan ay shaki ka qabaan in derbigan uusan wax badan ka bedeli Karin amaanka Kenya.

You may also like

(DAAWO MUQAAL)  Ustaad C/qaadir Bini oo Ahaa Nin u Shaqeyn Jiray  Bulshada  Afgooye Gaar Ahaan Howlaha Qeyriga Ah Hada Walaal Asaga Ayaa u Baahan Gaar Gaar Caafimaad

(DAAWO MUQAAL) Ustaad C/qaadi..

Magaciisa Sadaxan Waa C/Raxmaan C/qaadir C/laahi wuxuu ku Dhashay Degamada Afgooye Howlaha lagu xasuusto ee […]

read more

Madaxweynaha Mareeykanka ayaa..

Madaxweynaha Mareeykanka ayaa ku sifeeyey Go’anka Maxkamada Sare ee inuu yahay Guulweeyn usoo hooyatay Amaanka […]

read more
Wakaalada Wararka Qadar oo   lajabsaday iyo Warar been ah laga sameeyey Amiirka Qadar  Aqri wararka intiisa kale,

Wakaalada Wararka Qadar oo l..

Wakaalada Wararka Qadar oo lajabsaday iyo Warar been ah laga sameeyey Amiirka Qadar Aqri wararka […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *