• Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Mudulood oo si weyn u taageeray Gudoomiyaha cusub ee G/BanaadirRead More
  • Milateriga Turkiga oo gudaha u galay SuuriyaRead More
  • Ra’iisal Wasaare Khayrre oo wado qorshe isku shaandhaynayo Golahiisa Wasiirada.Read More
  • Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho oo Wali XiranRead More
  • DHAGEYSO: Sidee Shacabka Muqdisho u arkaan Magacaabista Yariisow?Read More

Xaaf: “Dad aan talin jirin baa taliyay oo dadkii talin jiray waa taggeen”

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in Soomaaliya ay meel xun ku socoto, sababo ku aadan talada dalka oo ay qabsadeen dad aan talin jirin, sida uu yiri.

“Dhib ayaa Soomaaliya ka jira, Dad aan talin jirin baa taliyay oo dadkii talin jiray waa taggeen, Soomaaliya meel xun bay ku socotaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado, ayaa yiri “Anagu waxaan ka shaqaynay bal in umadda Soomaaliyeed la isku soo celiyo, oo Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ay isu yimaadaan, aayahooda ka tashadaan, Ilaahay haku soo hanuuniyo qoloda Dowladda Federaalka, anagu taladii waan soo qornay, waana maqasheen baan u maleynaya.”

Madaxweyne Xaaf, ayaa sheegay in reer Galmudug looga baahan yahay inay Magaalada Cadaado ka nadiifiyan waxa uu ku sheegay masaska iyo halaqyada dhex jiifa, haddii kalena ay lumi doonaan.

“Cadaado iyo Galmudug aad iyo aad baan idin salaamaya, roobku waa yar yahay Allaha noo badiyo. Anaguna magaalada inaan ka shaqaysano amnigeeda sugano oo halaqyada iyo masaska dhex jiifa iska saarnaa la rabaa, haddii aan saan ku sii jirno waan lumeynaa.” Ayuu yiri Xaaf.

You may also like

Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo

Qudus: Trump oo u digay dalalk..

Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo

read more
Dagaal Caawa ka dhacay Degmada Afgooye iyo Faah faahino kasoo baxaya

Dagaal Caawa ka dhacay Degmada..

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa caawa weerar ku qaaday Degmada […]

read more
Daawo Sawirada Wabiga Shabelle oo mara Dagmada afgooye ayaa Guray  sida idiinka muuqata  Sawiradan

Daawo Sawirada Wabiga Shabelle..

Daawo Sawirada Wabiga Shabelle oo mara Dagmada afgooye ayaa Guray sida idiinka muuqata Sawiradan.

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *