• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul wasaare Khayre

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa markii u Horeeysay waxaa uu ka hadlay Xiisadda Siyaasadeed ee u Dhaxeeysa heey’adaha Sharci dajinta iyo Fulinta.

Barta uu ku leeyahay Face book ayuu kusoo qoray Qoraal Wata Magaca Shirkadda DP World oo uu Ciwaan uga dhigay “Dano shirkado shisheeye leeyahiin ma haboona in dalka xasarad loo galiyo”.

Sawirka uu Qaatay Wasiir Qarafaan ayaa Sheekaddiisa ka dhigaya in Shirkadda Dp World ay ku lugleedahay Xiisadda Siyasadeed ee ka dhalay Mowshinka Xillibaano badan ay ka geeyeen Gomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Shiiq Cusmaan Jawaari.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in uu Ra’iisul wasaraha kala taliyay in aan Ciidamaddamo la geeyn  Dhismaha ay ku Shiraan Xillibaanadda Golaha Shacabka.

“Dalkan xaalad dagaal in dib loogu celiyo ma haboona Raizul Wasaaraha waxaan kula taliyay Baarlamaanka Soomaaliya in wax ciidan ah aan la geyn oo xasiloonida la ilaaliyo.markale waxaan ku celinayaa wax walba in wada hadal iyo sharci loo maro” ayuu Qoray Wasiir Qarafan.

Eryadda Wasiirka ayaa ku Marag furaya Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Gudoomiye Jawaari uu ku eedeeyay in uu leeyahay Abaabulka Mowshinka looga soo horjeedo ee ay geeyeen Xillibaano Tiradooda lagu sheegay 107 Xillibaan.

Godoomiye Jawaari ayaa sheegay in mowshinkiisu uu yimid ka dib markii uu Diiday in uu Sixiixo arrin uu sheegay in Qaranimadda Soomaaliya ay ka soo Horjeedo oo uu san sheegin waxa ay tahay.

Horayna Xillibaano ka Tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda khayre sidoo kalena ah Xillibaano ay Mowshinka Sixiixeen Door muhiim ahna ku leeyihiin.

Wasiir Qarafaan ayaa Noqonayaa Wasiirkii ugu Horeeyay ee Xukuumadda ka Tirsan ee ka Hadla Xiisadda Siyaasadeed.

You may also like

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more
Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ah

Wasaaradda Dastuurka oo Muqdis..

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *