• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ah

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray Tababarka Tababarayaasha Saraakiisha Sare

ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo seddex maalin ka socday magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ujeeddadiisu ahayd u diyaargaroowidda in shacabka Soomaaliyeed illaa heer tuullo la gaarsiiyo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka ee dhawaan dalka ka bilaawan doona.

Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo ka hadlayay xiritaankii tababarka ayaa yiri “Maalmaha soo socda tababarkan waxa uu gaari doonaa xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Caasimadaha Dawlad Goboleedyada taasi oo sahleysa in la helo dad badan oo sida fariimo isku mid ah oo ku saabsan daadejinta dib-u-eegista Dastuurka oo la gaarsiin doono illaa tuullooyinka; waxaan u mahadcelinayaa tababarayaashii waqtiga geliyay tababarkan iyo ka qaybgalayaasha oo ay sugeyso inay deegaanadooda gaarsiiyaan tababarkii ay qaateen”.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay ka qaybgalayaashii muddada seddexda maalin ahayd ka qaybgalay tababarka.

You may also like

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more
Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”

Guddoomiye Xuseen “Waxaa nag..

Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *