• (SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwanRead More
  • DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka JabuutiRead More
  • Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare DhacayRead More
  • SAWIRRO “Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Safiirka TurkigaRead More
  • Xildhibaano ka tirsan BF oo kormeeray xabsiga dhexe ee XamarRead More

Wararkii ugu dambeeyay ee Xaaladda Zimbabwe

Dhaqdhaqaaq ciidan oo ballaaran ayaa laga dareemaya Magaalada Harare ee Caasimadda dalka Zimbabwi waxaana saadaashu ay sheegeysaa in uu ku saleysanyahay inqilaab xukumada madaxweyne Robert Mugabi ah ka dhan ah.

Robert Mugabi  lagasoo bilaabo 1987 ilaamaa haatan, waxaa uu ahaa Madaxweynaha dalkaasi, waxaana intii xilka haayay lagu eedeyay in uusan waxbadan ka qaban Caafimaadka, waxbarashadda iyo Horumarinta Kaabayeyaasha dhaqaalaha.

Dadka ku sugan Caasimadda Haraare waxa ay sheegayaan in ay arkayeen gaadiidka ciidanka xoogga oo wadooyinka waaweyn ee caasimada wareegaya, saacdo un ka dib markii ay xaley la wareegeen warbaahinta dowlada ee ZBC.

Saansaanta ayaa u muuqata horudhaca Afgembi ay ciidamada dalkaasi la damacsan yahay Madaxweyne Mugabi.
Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah.
Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso.

Taliyaha ciidammada xoogga ayaa ku eedeeyay “khiyaano qaran” Madaxweynaha Mugabi,islamarkaana uu doonaayo in uu xaaskiisa ku wareejiyo dalka.
Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii.

Hasa ahaatee, taliye ku xigeenka ciidanka oo ka hadley warbaahinta dowlada waxaa uu  dadweynaha reer Zimbabwi usheegey in ay isdajiyaan, waxaanu uu yiri”wax afgambi ah kama jiro dalka” Jeneraal Sibusiso Moyo, oo ah taliye ku

xigeenka ciidanka ayaa sida oo kale shaaciyey in uu Madaxweyna Robert Mugabi nabad qabo.
Waxaa uu sheegay in ay beegsanayaan kuwo dambilayaal ah , oo sabab u ah Khilaafka ka jira dalka.
 

You may also like

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwan

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiir..

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka ay maanta yeesheen oo uu […]

read more
DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Mu..

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Xildhibaano  reer jabuuti ah ay kamid yihiin […]

read more
Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare Dhacay

Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Da..

Dagaal dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay maanta suuqa magaalada […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *