• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

WARARKA Macalin Jaamacadeed oo lagu dilay Muqdisho

WARARKAMacalin Jaamacadeed oo lagu dilay Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya xaafada Oodweynee degmada Deyniile ayaa waxa ay sheegayaan in xalay fiidkii halkaasi lagu dilay Macalin wax ka dhiga mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Rag hubeysan ayaa Macalinka ka toogtay qeybta sare ee jirkiisa, kadib markii ay dhawr xabadood ku dhufteen, waxayna halkaasi ka dhaqaaqeen markii ay hubsadeen in ay toogteen Macalinka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Macalinka inta aan la toogan kahor inuu ka soo baxay geerish ku yaallay agagaarka xaafadiisa oo uu ku soo xareystay gaarigiisa, kana mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Soomaaliya.

Qaar ka tirsan Macalimiinta Jaamacadda Soomaaliya ayaa inoo sheegay macalinka la dilay in lagu magacaabi jiray Ismaaciil Caddow, uuna ka mid ahaa Macalimiinta dhigta Shareecada.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay baaritaano amni xaqiijin ah ka wada halka lagu dilay Macalinkan, waxayna ku raadjoogaan ragii ka dambeeyay dilkaasi.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Macalinkan ka tirsanaa Jaamacadda Soomaaliya.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *