• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Uganda oo canshuur ka qaadeysa dadka xanta iyo dacaayada u isticmaala baraha bulshada

Dowladda Uganda ayaa qorsheyneysa in ay canshuur maalinle ah ka qaado dadka isticmaala baraha bulshada wixii loo gaaro July, si sare loogu qaado dakhliga, sida uu sheegay Wasiirka Dhaqaalaha dalkaasi Matia Kasaija.

Talaabadan ayaa waxaa cambaareeyay mid ka mid ah dadka xuquuqda u dooda oo lagu magacaabo Rosebell Kagumire oo yiri: “Waxay qayb ka tahay iskudayada ballaaran ee lagu wiiqayo xorriyatul-qowlka.”

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa horraantii bishan warqad uu u diray Kasaija iyo saraakiil kale ku sheegay in dadka xanta u isticmaala baraha bulshada ay tahay in canshuur lagu soo rogo.

“Kuma soo rogayo canshuur dadka u isticmaala baraha bulshada sababo waxbarasho, baaritaan ama tixraac ..kuwaasi bilaash bey sii ahaanayaan,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Dadka isticmaala WhatsApp, Facebook iyo Twitter ayay canshuurtani saameyn doontaa.

Waa markii ugu horeysay oo dowlad ku dhawaaqdo in canshuur laga qaadayo qeyb ahaan dadka isticmaala baraha bulshada taasoo ay siweyn uga xumaadeen dadka reer Uganda ee iyagu ku tixan isticmaalka baraha bulshada oo hadda ah Aalad awood badan oo wararka leysku dhaafsado.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *