• “MUUSE BIIXI MAALINTII UU MADAXWEYNE CIGAAL XILKA KA QAADAY WUXUU KU YIDHI WAA RAFADKAY RAFANAYSAY”Read More
  • SAWIRRO-Mid kamid ah haweenka Caabudwaaq oo kayaabsatay umadda kadib markii ay AK 47Read More
  • Xisbiga{SAWIRRO} Xisbiga WADDANI Oo Maanta Ololihiisa Ku Muujiyey Isu Soo Baxyo La Soo AgaasimayRead More
  • Waa Sidee Caawo Xalada Degmada Afgooye Ka Dib Weraar Ka DhacayRead More
  • DEG DEG Dagaal Goor Dhow Ka Bilowday Degmada AfgooyeRead More

Taariikh nololeedka Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka

General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) waxa uu ku dhashay magaaladda Muqdisho sanadkii 1950-kii, Iskuulka hoose dhexe waxa uu ka dhigtay dugsiga Macalin Jaamac, Dugsiga sarena waxa uu ka gallay iskuulka farsamada gacanta ee magaaladda Muqdisho.

General Gorod waxa uu ciidanka qortay 1966-dii,  Dalka Ruushka ayaa tababar loogu diray 1975-tii, waxuuna waxbarashada luuqada ruushka ka bilaabay magaalada Furanza ee dalkii la oran jiray Midowga Sofyeeti, 1977-dii waxa uu duulimaadka diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee dalka Ruushka .

Dalka ayuu dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah, Waxaana la geeyey xerada ciidanka cirka ee Balidoogle, 1980-kii waxa uu qaaday xidigii labaad waxaana loo badalay xeradii ciidanka cirka ee duleedka Magaaladda Kismaayo, halkaasoo uu ku bartay duulimaadyada diyaaradaha xamuulka ciidanka.

1984-tii waxa uu qaatay darajada sadax xidigle waxaana loo badalay magaaladda Hargeysa, Waxuuna berrigaasi duulin jiray diyaaradaha ciidanka ee loo yaqaano Biyaajo 160 oo  Talyaaniga lagu farsameeyo.

1988-dii waxaa lagu soo celiyey xerada ciidanka cirka ee Kismaayo, Seddex bilood ka dibna waxaa loo badalay Magaaladda Muqdisho, waxuu cilmi kororsi luuqadaha ah ka bilaabay machadkii la oran jiray OMC oo dowladda Maraykanka ay gacanta ku haysay, isagoo noqday gaashaanle sare,  gaashaanle sare isagoo ah ayayna burburtay dowladii dhexe.

Jeneral Gorod dowladdii Carte ee Cabdiqaasim Salaad ayuu ka noqday wasiirka dekadaha, Labo sano ayuuna hayay xilkaasi.

Generalka wuxuu dhalay siddeed caruur, Waxuuna degan yahay magaaladda London.

You may also like

“MUUSE BIIXI MAALINTII UU MADAXWEYNE CIGAAL XILKA KA QAADAY WUXUU KU YIDHI WAA RAFADKAY RAFANAYSAY”

“MUUSE BIIXI MAALINTII UU MA..

“MUUSE BIIXI MAALINTII UU MADAXWEYNE CIGAAL XILKA KA QAADAY WUXUU KU YIDHI WAA RAFADKAY RAFANAYSAY”

read more
SAWIRRO-Mid kamid ah haweenka Caabudwaaq oo kayaabsatay umadda kadib markii ay AK 47

SAWIRRO-Mid kamid ah haweenka..

Mid kamid ah haweenka ku nool magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa qaaday tallaabo […]

read more
Waa Sidee Caawo Xalada Degmada Afgooye Ka Dib Weraar Ka Dhacay

Waa Sidee Caawo Xalada Degmada..

Dagalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa caawa weerar ku bilowday laba Bambo gacmeed waxa ay […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *