• SAWIRRO”Aabaha Wiil yar oo Boorso lagu tahriibinayay oo Xabsi ka bad baadayRead More
  • Kulan ay K/ Waqooyi iyo Maraykanka yeelan lahaayeen oo la baajiyayRead More
  • SAWIRRO’RW Kheyre & Madax kale oo ka qeyb galay Janaasada marxuum Axmed Diiriye CaliRead More
  • Ciidamada Badda Soomaaliya oo markii ugu horeysay bur-burkii kadib ka qayb galay dhoolatus Caalami ah oo ka dhacay Xeebaha Soomaaliya.Read More
  • SAWIRRO: Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada LibyaRead More

Shirka Booliska D/Goboleedyada oo ka furmay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay gaar ahaan Madaxtooyada waxaa barkhanimadii maanta ka furmay shirka Booliska Federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Sareeye Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax oo ah Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Booliska Dowlad Goboleedyada, masuuliyiin ka kala socota Wasaaradda
Amniga Qaranka iyo Wasaaradaha Amniga maamulada dalka ka jira.

Shirkan oo laba cisho ka socon doona magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa furay Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo shalay Baydhabo gaaray.

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in shirkan looga hadlayo arrimo badan oo la xiriira Booliska, sida in la xoojiyo wada shaqeynta Booliska Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada iyo in dib u dhis balaaran lagu sameeyo Ciidanka Booliska.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa iska kaashanaya sugidda amniga.

You may also like

SAWIRRO”Aabaha Wiil yar oo Boorso lagu tahriibinayay oo Xabsi ka bad baaday

SAWIRRO”Aabaha Wiil yar..

Nin kasoo jeeda dalka Ivory Coast ayaa si dirqi ah xabsi uga bad baaday ,kadib markii […]

read more
Kulan ay K/ Waqooyi iyo Maraykanka yeelan lahaayeen oo la baajiyay

Kulan ay K/ Waqooyi iyo Marayk..

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in wakiilo ka socday Kuuriyada Waqooyi ay […]

read more
SAWIRRO’RW Kheyre & Madax kale oo ka qeyb galay Janaasada marxuum Axmed Diiriye Cali

SAWIRRO’RW Kheyre &..

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Somalia iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay salaada janaasada marxuum Nabadoon […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *