• (SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwanRead More
  • DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka JabuutiRead More
  • Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare DhacayRead More
  • SAWIRRO “Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Safiirka TurkigaRead More
  • Xildhibaano ka tirsan BF oo kormeeray xabsiga dhexe ee XamarRead More

Shariif Xasan oo ku guuleystay inuu kala furfuro Xildhibaanadii mooshinka ka waday

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magaalada Baydhabo ka wada kulamo uu ku kala furfurayo Xildhibaanada ku kacsan ee mooshinka ka wada.

Wararka laga helayo Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu ku guuleystay in kala bar Xildhibaanadii mooshinka waday inuu ka dhaadhiciyo inay ka laabtaan.

Kulamada oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa waxaa qeyb ka ahaa Odayaasha dhaqanka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii mooshinka waday ayaa sheegay inay ka laabtaan, hase ahaatee waxaa jira Xildhibaano kale oo ka biya diidan, isla markaana ku adkeysanaya inay mooshinka geynayaan Baarlamaanka.

Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed ayaa qeyb ka ahaa dadaalada xalinta khilaafka iyo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana Xildhibaanada ay la kulmeen kula taliyeen in xilligan aanu munaasib aheyn in mooshin la keeno, isla markaana meel la iska dhigo mooshinka iyo khilaafaadka, maadaama Shariif Xasan ay muddo hal sano uga harsan tahay xilkiisa.

Inkastoo Xildhibaanada mooshinka ka waday Shariif Xasan ay gaarayeen illaa 70 Xildhibaan, hadana waxaa la sheegayaa in kala bar Xildhibaanadaas lagu qanciyay inay ka laabtaan mooshinka.
17-ka bishan November ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo lagu qabto munaasabad lagu maamuusayo sanad-guuradii 3aad ee ka soo wareegatay markii la dhisay Maamulka Koofur Galbeed.

You may also like

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwan

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiir..

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka ay maanta yeesheen oo uu […]

read more
DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Mu..

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Xildhibaano┬á reer jabuuti ah ay kamid yihiin […]

read more
Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare Dhacay

Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Da..

Dagaal dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay maanta suuqa magaalada […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *