• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Shabaab oo weeraray Degaanka Ambareeso

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay weerar abaabulan oo xoogaga Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkan oo ahaa mid waqti kooban socday ayaa Shabaabka waxa ay ku qaadeen friisin Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Ambareeso oo ka mid ah degaanada dhaca duleedka degmada Baraawe, halkaasi waxaa labada dhinac ku dhexmaray Dagaal culus.

Dadka degaanka ayaa sheegay Dagaalkan inuu dhacay xalay saq dhexe, waxayna tilmaameen aroortii hore ee saakay goobaha lagu dagaalamay in ay ku arkeen Meydadka dhowr qof oo ay sheegeen in aysan garaneyn halka ay ka kala tirsan yihiin.

Shabaab oo weerarkan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay khasaare gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM oo garab ka helaya Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka, inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo warkaasi xaqiijinaya.

Dadka reer Baraawe, ayaa waxay sheegeen in Ambareeso ay muhiim u tahay goobaha laga difaaco Degmada Baraawe, waxayna tilmaameen muhiim in ay tahay in la helo Ciidamo adag oo Difaaca degmada.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *