• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Senator Qeybdiid “Gurigeyga waxaa lagu tuhmay Ninkii ka dambeeyay qaraxii 14-kii october ”

Xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa hadda waxa ay ka doodayaan Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ku tilmaamay falkii lagu weeraray Guriga Qeybdiid fal dambi ah oo laga galay qaranka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in si deg deg ah Sharciga loo horkeeno cidii ka dambeysay Weerarkii lagu qaaday Xildhibaanada Gurigiisa, islamarkaana lasoo bandhigo baaritaanadii la sameeyay.

Sen. Qaybdiid ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada weeray gurigiisa ay ka soo baxeen Dugsiga Gen .Gordan Oo ah Xarun Ciidamada ay Imaraadka ku tababaraan.

Qeybdiid, waxaa uu Baarlamaanka ka codsaday in Sharciga la horgeeyo cidii weerarkiisa ka dambeysay, isaga oo soo jeediyay in Natiijada Baaritaanka la xiriira weerarka guriga lala wadaago baarlamaanka iyo shacabka.

Cabdi Qeybdiid oo goobta ka hadlay waxaa uu yiri “Gurigeyga waxaa lagu tuhmay in uu joogo ninkii hoggaaminayey qaraxii october 14”.

Waxaa uu sheegay in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, ay amarkan Gurigiisa lagu wareeray  bixiyeen Ciidamada Imaaraadku tababaray weerareen Gurgiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddi u saaray Kiiska Xildhibaan Cabdiqeybdiid, waxaana Guddigaasi hoggaaminaayay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod.
 

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *