• (SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwanRead More
  • DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka JabuutiRead More
  • Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare DhacayRead More
  • SAWIRRO “Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Safiirka TurkigaRead More
  • Xildhibaano ka tirsan BF oo kormeeray xabsiga dhexe ee XamarRead More

SAWIRRO”Shabaab oo soo bandhigay hub ay sheegeen in ay ku soo qabsadeen dagaalkii Buulo gaduud

Shabaab ayaa soo bandhigay hub iyo gaadiid dagaal oo ay ku qabsadeen dagaalkii cuslaa ee ay ku qaadeen xerada ciidanka degaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada hoose 3-dii September ee sanadkaan.

Muuqaal ay soo saareen Shabaabka ayaa wuxuu muujinaayay dagaalkaasi inay ku qabsadeen hub u badan qoryo Ak-47 ah oo ay isticmaalayeen ciidankii halkaasi lagu laayay iyo kuwa ka cararay hubka.

Waxaa kale oo Shabaab ay soo bandhigeen laba ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay ku qabsadeen weerarkii Buulo gaduud ay ku qaadeen ee ciidamada Jubbaland ay ku laayeen.

Dagaalkii buulo gaduud, oo 29-km dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo, ayaa Shabaab waxa ay ku dileen ciidan badan, kadib markii weerar Ismiidaamin ku bilowday ay ku galeen xeradaasi.

Hubka Shabaabka ay soo bandhigeen waxaa kaloo ku jira Qoriga loo yaqaan sabanka oo dagaalka loo isticmaalo, marka la eego hubka ay soo bandhigeen waxaa muuqata xerada ciidanka Buulo gaduud hub badan inay ka qaateen Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa sidan oo kale dhawr mar u soo bandhigay hub kala duwan oo ay ku qabsadeen dagaalo ay ku qaadeen xeryo ciidan oo ku yaallo Gobolada dalka Soomaaliya

You may also like

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwan

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiir..

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka ay maanta yeesheen oo uu […]

read more
DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Mu..

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Xildhibaano  reer jabuuti ah ay kamid yihiin […]

read more
Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare Dhacay

Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Da..

Dagaal dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay maanta suuqa magaalada […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *