• “MUUSE BIIXI MAALINTII UU MADAXWEYNE CIGAAL XILKA KA QAADAY WUXUU KU YIDHI WAA RAFADKAY RAFANAYSAY”Read More
  • SAWIRRO-Mid kamid ah haweenka Caabudwaaq oo kayaabsatay umadda kadib markii ay AK 47Read More
  • Xisbiga{SAWIRRO} Xisbiga WADDANI Oo Maanta Ololihiisa Ku Muujiyey Isu Soo Baxyo La Soo AgaasimayRead More
  • Waa Sidee Caawo Xalada Degmada Afgooye Ka Dib Weraar Ka DhacayRead More
  • DEG DEG Dagaal Goor Dhow Ka Bilowday Degmada AfgooyeRead More

SAWIRRO:Ra’iisul Wasaare Khayre “Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo”

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanad guurada 63-aad ee kasoo wareegtay maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xarunta Dawladda hoose ee Xamar, iyadoo ay ka qeyb galeen, Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre,

gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan “Jawaari”, Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo qeybaha bulshada.

Xafladda oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Madaxda Dawladda oo ka hadlay qiimaha maalintaan ay leedahay iyo dhibaatooyinkii loo soo maray hindisidda in calan Soomaaliyeed laga taago dhulka Soomaalida.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda ka sheegay in halgan badan loo soo maray calankan maanta xuskiisa la jooga, isla markaana loo baahan in laga ilaaliyo wax walba oo sharafkiisa wax u dhimaya.

“Calanku wuxuu astaan u yahay qaranimadeena, jiritaankeena, wadajirkeena, wuxuu astaan u yahay inaan nahay dal xor ah. Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusuusiyey dadka Soomaaliyeed wax lagu waayey midnimo iyo wadajir in cidina aysan colaad iyo dhibaato ku keeni karin, sidaas daraadeedna loo baahan yahay gacmaha in la is qabsado oo laga wada shaqeeyo nabadda iyo horumarka dalka.

“Waxaa dhamaaday waqtigii la niyad jabi jiray, caawa madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwii niyad jabi lahaa, dadka iyo dawladda Soomaaliyeed horay ayay u soconayaan, gadaal uma noqonayaan” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan (Jawaari) oo hadal kooban munaasbada ka jeediyay ayaa shacabka Soomaaliyed ku bogaadiyay in la isku baraarujiyo ahmiyada uu calanka leeyahay.

You may also like

“MUUSE BIIXI MAALINTII UU MADAXWEYNE CIGAAL XILKA KA QAADAY WUXUU KU YIDHI WAA RAFADKAY RAFANAYSAY”

“MUUSE BIIXI MAALINTII UU MA..

“MUUSE BIIXI MAALINTII UU MADAXWEYNE CIGAAL XILKA KA QAADAY WUXUU KU YIDHI WAA RAFADKAY RAFANAYSAY”

read more
SAWIRRO-Mid kamid ah haweenka Caabudwaaq oo kayaabsatay umadda kadib markii ay AK 47

SAWIRRO-Mid kamid ah haweenka..

Mid kamid ah haweenka ku nool magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa qaaday tallaabo […]

read more
Waa Sidee Caawo Xalada Degmada Afgooye Ka Dib Weraar Ka Dhacay

Waa Sidee Caawo Xalada Degmada..

Dagalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa caawa weerar ku bilowday laba Bambo gacmeed waxa ay […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *