Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay ololaha Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda oo maanta si rasmi ah uga bilowday Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa socod ku soo maray goobaha qashinka laga gurayey oo kamid ah degmada Xamar-Weyne, waxana uu gacantiisa kaga qayb qaatay guridda qashinka, isagoo ku dhiirigeliyey shacabka Muqdisho in kaalintooda ay ka qaataan bilicda caasimadda oo muhiim u ah soo celinta sharafkii ay lahayd.
“Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo ka qeyb qaadata nadaafadda iyo bilicda magaalada, shacabkana waxaan ugu baaqaynaa in door-kooda ay qaataan oo iska guraan qashinka”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ujeedku yahay guud ahaan degmooyinka kale ee Muqdisho in laga guro qashinka, taasi oo ah qorshe looga golleeyahay in lagu nadiifiyo caasimadda laguna soo celiyo quruxdii ay lahayd.
Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta kormeeray sida ay […]
read moreGuddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ku […]
read moreWaa sidee Isbadalada Muqdisho Dhank Bilicdeeda maxaa iska badalay bal wax ka ogoow ee daawo […]
read more
Leave a Reply