• Guddoomiye Jawaari oo ka dalbaday Xukuumadda in la horkeeno tirada Ciidamada Shisheeye ee dalka ku suganRead More
  • Kismaayo oo uu ka furmaayo shirkii Fiscal Federalism ee maareynta maaliyadda dalkaRead More
  • Wiil dhalinyaro ah oo lagu Gowracay MuqdishoRead More
  • Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Mas’uul cusubRead More
  • SAWIRRO: Wafdi ka socda QM oo yimid MuqdishoRead More

Sawirro:-Wafdiga Baarlamaanka Jabuuti oo la kulmay Xildhibaanada Aqalka Sare

Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho ah waxaana wada-qaatay Wafdigii Xildhibaanadda ahaa ee ka socday Dalka Jabuuti iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Dalka iyagoona sidoo kale lagu soo dhaweeyey Magaaladda Muqdisho.

Waxaa Sanatorada Aqalka Sare ee Wafdiga Dowladda Jabuuti la kulmay Hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare iyadoo Dhanka Jamuuriyadda Jabuuti uu Hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkaas.
Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Axmed Xaashi oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Wafdiga ka socda Dowladda Jabuuti siwaangsan loo soo dhaweeyey .

“Waxaan si-heer sare ah u soo dhaweynay Wafdiga Xildhibaanada ah ee nooga yimid Jamuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti kuwaas oo ay  inaga dhaxeeyaan wax badan oo dhankasta ah runtii waxaan rabnaa in aad soo dhaweyn intaan ka badan u sameyno”

Xildhibaan C/laahi Bilaad iyo Xildhibaan Cumar Saciid oo iyana ka mid ah Baarlaamka Jabuuti oo sidoo kalena qeyb ka ah Wafdiga Jooga Muqdisho ayaa iyana dhankooda u mahadceliyey Mudanayaasha Aqalka Sare iyo Guud ahaan Dowladda Soomaaliya.

“Waxaan u mahad celineynaa guud ahaan Dowladd Soomaaliya iyo qaabka ay nogu soo dhaweeyeen Magaalada Muqdisho runtii waxaan aragnay wax badan oo aanan fileyn taasna waxaa ay nasiisay kalsooni badan”

Sidoo kale Wafdiga ayaa Qadka Telefoonka kula hadlay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi kaas oo xaalad Caafimad ugu maqan Dalka Turkiga waxaana ay allah uga baryeen in uu Caafimad siiyo.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-

You may also like

Dowladda oo lagu soo wareejinayo Maxaabiista Seychelles

Dowladda oo lagu soo wareejina..

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee Seychelles […]

read more
SAWIRRO”Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ka qeyb galay Shirka Wasiiradda Difaaca dowladaha Islaamka

SAWIRRO”Ra’iisul Wasaa..

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Difaaca […]

read more
Ku dhawaad 30 Ruux oo ay ku jiraan Somalia oo la socday doon oo ku degtay badda Mediterranean.

Ku dhawaad 30 Ruux oo ay ku ji..

-Sida ay sheegayaan wararka ay baahinayaan warbaahinta qaar 31 ruux oo tahriibayaal ah ayaa ku […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *