• (SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwanRead More
  • DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka JabuutiRead More
  • Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare DhacayRead More
  • SAWIRRO “Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Safiirka TurkigaRead More
  • Xildhibaano ka tirsan BF oo kormeeray xabsiga dhexe ee XamarRead More

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Miisaaniyada 2018

Shir gaar ah oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda 2018 isla markaasna hambalyo loo direy doorashooyinka Somaliland.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay guddi heer wasiir ah oo daraasad ku soo sameeyey dardargelinta xasilinta dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho. Guddiga ayaa warbixin dheer ka dib ay soo jeediyeen tallooyin muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in amniga caasimada la deegaameeyo oo barnaamijka dariseynta la dhaqangeliyo, in la diiwaangeliyo gaadiidka iyo guryaha, in taariko gaar ah loo sameeyo caasimada si gaadiidka soo galaya loo ogaado, in aaladaha casriga loo isticmaalo amniga iyo in wacyigelin buuxda bulshada loo sameeya si ay amniga kaalin buuxda uga qaataan. Golaha ayaa ka dooday oo su’aalo weydiiyey guddiga, ka dibna isku raacay in waxii tallooyin dheeri ah loo soo gudbiyo hay’adaha amniga si loo dardargeliyo barnaamijka xasilinta dalka.

Wasiirka Maaliyada ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay Miisaaniyada 2018 oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka. Miisaaniyadan ayaa ah mid si casri ah loo soo diyaariyey kuna timid wadatashiyo lala sameeyey dhammaan hay’adaha dawliga ah oo ay ku jiraan dawlad goboleedyada, iyadoo diirada lagu saaray adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, oo weliba la qorsheynayo in Iskuulo lagu dhiso, iyadoo weliba miisaaniyad loo qoondeeyey lagu xoojinayo afka Soomaaliga oo la dhisayo xaruntii Akademiyada Afka Soomaaliga. Sidoo kale waxaa miisaaniyadan ku jiro in la dhiso warshada dharka ciidamada, dhismaha hay’adaha horumarinta dhaqaalaha iyo miisaaniyad loo qoondooyey la dagaalanka musuqmaasuqa. Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ansixiyey miisaaniyada 2018 oo dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa dhageystay warbixin la xiriirta doorashooyinka ka socda deegaanada Somaliland iyo ololahii ballaarnaa ee doorashadii shalay ka horeysey. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradu waxey aad u ammaaneen isla markaasna ay hambalyo u direen doorashooyinka Somaliland oo si nabad ah u dhacay, kuna tilmaamay doorashooyin si dimoqraadiyad ah u dhacay oo xitaa ka fiican wadamada galbeedka qaarkood. Golaha ayaa sheegay inay habboon tahay in warbixinta rasmiga ah laga sugo guddiga doorashooyinka oo cidii ku guuleysata la soo dhoweeyo lalana shaqeeyo.

You may also like

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwan

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiir..

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka ay maanta yeesheen oo uu […]

read more
DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Mu..

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Xildhibaano  reer jabuuti ah ay kamid yihiin […]

read more
Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare Dhacay

Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Da..

Dagaal dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay maanta suuqa magaalada […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *