• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Sawirro:-Mareykanka Oo Dib U Bilaabaya Taageerada Ciidanka Milatariga Soomaaliyan

Sarkaal arrimaha xiriirka dadweynaha u qaabilsan Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Raymond Stephens oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed, amniga,  dib u heshiisiinta, gargaarka Bani’aadanimada iyo mashaariicda horumarineed oo ay dowladda Mareykanka ka wado Soomaaliya.

Mr Raymond ayaa ugu horreyn ka hadlay xiriirka diplomasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid wanaagsan oo sii xoogeysanaya.

Waxaana uu sheegay in xilligan dowladda Mareykanka aysan wax Safiir ah u joogin magaalada Muqdisho, balse uu howsha sii wado ku sime, kaasi oo xiriir wanaagsan la leh madaxda sare ee dolwadda federaalka ah ee Soomaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

Dhinaca kale sarkaalkan ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii bishii Decemper ee Sanadkii hore dowladda Mareykanka ay ku joojisay taageeradii dhaqaale ee ay siin jiirtay Ciidamada milatariga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mr Raymond ayaa shaaciyay in sababta loo joojiyay ay ahayd mid la xariirta masuqmaasuq la sheegay in uu ka jiray hanaanka loo maamulo Lacagta uu ku caawiyo Mareykanka Ciidamada milatariga Soomaaliya.

Mr Raymond ayaa shaaciyay in sababta loo joojiyay ay ahayd mid la xariirta masuqmaasuq la sheegay in uu ka jiray hanaanka loo maamulo Lacagta uu ku caawiyo Mareykanka Ciidamada milatariga Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata sarkaalkan ayaa waxa uu xaqiijiyay in dhawaan dowladda Mareykanka ay dib u bilaabi doonto taageerada Maaliyadeed ee ay siin jirtay Ciidamada milatariga Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaya, xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay wado qorshe lagu tayeynayo, laguna tababarayo, islamarkaana ay ku bixineyso Mushaaraadka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *