• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

(SAWIRRO) Madaxweyne Waare oo lagu wareejiyay Gaadiid Ciidan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid Saacid Kala Wareegay Gawaari Loogu Talo galay in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabelle, gawaaridaasi oo qeyb ka ah gaadiidka Taliska Boliiska Soomaaliyeed oo uu ugu talo galay in lagu wareejiyo dowlad goboleedyada Dalka ka jira.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Dugsiga Tababarka Jen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayuu furaha gawaaridaasi oo ah 6 Baabuur oo casri ah kula wareegay.  iyadoo Madaxweynaha Munaasabadaasi ay ku wehlinayeen Madaxweyne Ku Xigeenka  Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlad Goboleedka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle Cor Xasan Dhicisow iyo Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gawaaridaan ay ugu talo galeen in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Hirshabelle oo loogu qidmeeyo Bulshada, horeyna ay sidaan oo kale ay u siiyeen Maamulada kale, waxaana uu sheegay in markii hore ay ka heleen Saaxiibada caalamka oo kaalma ahaan loo siiyay Soomaaliya, waxaana uu xusay in markasta ay ka go’antahay ka talis ahaan kaalmada ay helaan in dhamaan la gaarsiiyo dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay Gaadiidka la siiyay Dowlad Goboleedka, waxaana uu sheegay in loogu qidmeyn doono bulshada Soomaaliyeed oo amnigooda laga sugi islamarkaana ay ku shaqeyn doonaan Ciidamada Ammaanka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho kaddib booqasho maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay Magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu kaga soo qeyb galay Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada, Waxaana Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayay garoonka Diyaaradaha Caalamiga Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Xubno ka tirsan Labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada iyo aqalka sare, iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Waare ayaa Muqdisho kulama kula leh Mas’uuliyiinta hey’adaha Qaramada Midoobay, Saaxiibada Soomaaliya , iyo Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.


You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *