• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

SAWIRRO: Madaxweynaha Jubbaland oo shir Gudoomiyay kulankii u horeeyay ee golaha Amniga

.Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo ka farcamay golaha Amniga Qaranka.

Labada Madaxweyne ku xigeen Sarakiisha Ciidamada iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada ee gudigan ku jira ayaa kulanka ka qayb galay.

Xaaladaha Amniga deeganada Jubbaland iyo abaabulka Ciidamada ayaa kamid ah qodobada kulanka lagaga hadlay.

Xubnaha golaha uu ka kooban yahay ayuu Madaxweynahu ka dhagaystay xog uruurin iyo tixraac ay maalmahan wadeen oo la xiriira tayada iyo tirada Ciidamada iyadoo la qorshaynayo in mudo kooban hawshaa lagu soo dhameeyo.

Dhaqaalaha deeganada Jubbaland ayaa la isku raacay in la mideeyo isla markaana miisaniyad kordhin la sameeyo mudada loo diyaar garoobayo hawlgalada la qorsheeyay si joogto uu u noqdo mushaarka Ciidanka iyo saadka ay u baahan yihiin.
Arimaha maamulka iyo adeega Bulshada ayuu golahu isku raacay in la dardar galiyo gaar ahaan Garsoorka iyo Cadaalada iyadoo wakhti dhaw la dhisi doono gudiga adeega Garsoorka.

Shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayay Jubbaland la tagi doonta qorshe dhamaystiran oo la xiriira sida ay noqonayaan hawlgalada lagu xoraynayo deeganada ay Al-Shabaab wali kaga sugan yihiin Jubbaland.
………….DHAMAAAD……….

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *