• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

(SAWIRRO) Farmaajo oo tababar u soo xiray Ciidamo ka badan 600 oo Askari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray in kabadan 600 oo askari oo ka mid noqonaya ciidamada Daraawiishta ee ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo saaka ka shaqa tagay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo hooy iyo xafiisba u ah ayaa gaaray Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaas oo khudbad uu ugu jeediyey ciidamada tababarka uu u soo xiray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan oo u damqanaya shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay ku biiraan ciidanka si ay ula dagaallamaan Alshabaab, jawaabna u ah baaqii uu jeediyey 18-kii bishii Oktoobar ee ku saleysnaa in aan loo kala harin dagaalka lagula jiro argagixisada.

“Waxaa halkan iiga muuqada ciidan u diyaarsan in ay dalkooda ka xoreeyaan hororka nabad diidka ah ee Al-shabaab oo ah Khawaarij nagu soo duulay, dalkeenna tafaha heysa oo diiday in aan la tartanno caalamka intiisa kale.”

“Maalin walba waxa ay xasuuq ku hayaan caruurteenna, gabdhaheenna iyo hooyooyinkeenna, idinkuna waxaad jawaab cad u tihiin baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u midoowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada tababarka loo soo xiray ku adkeeyey in ay ka dhabeeyaan ballantii ay qaadeen ee ahayd difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda, isagoona ballan qaaday in uu ku hoggaamin doono sidii ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen.
Munaasabadda xiritaanka tababarkan waxaa goob joog ku ahaa Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Boliiska, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *