• Guddoomiye Jawaari oo ka dalbaday Xukuumadda in la horkeeno tirada Ciidamada Shisheeye ee dalka ku suganRead More
  • Kismaayo oo uu ka furmaayo shirkii Fiscal Federalism ee maareynta maaliyadda dalkaRead More
  • Wiil dhalinyaro ah oo lagu Gowracay MuqdishoRead More
  • Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Mas’uul cusubRead More
  • SAWIRRO: Wafdi ka socda QM oo yimid MuqdishoRead More

SAWIRRO” Dowladda oo Sucuudiga ka guddoontay Diyaarad gar gaar Dawo ah keentay

Diyaarad sidday deeq dawo ah oo dowladda Sucuudigu ay ugu deeqday Soomaaliya ayaa soo gaartay magaalada Muqdisho, taasi oo dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay si loogu adeego bulshada.

Waxaa sidoo kale Diyaaraddaasi saarna qaar kamid ah dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo qabay kuwaasi oo muddo 6 bilood ah lagu daweynayay dalka Sucuudiga kadib markii ay ku dhaawcmeen qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho muddo laga joogo dhowr bilood.

Maxamed Cabdalla Almaajid oo ka mid ahaa wafdigii ka socoday dalka Sucuudiga oo si gaar ah ula hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay deeqdaasi dawada ah.

“Anagoo tixraacayna amarkii uu bixiyaya Malik Salmaan,ee Sucuudiya iyo Naa’ibkiisa in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo gar gaarka ay u baahan yihiin,waxaa maanta timid  diyaarad sida gar gaar dawo ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed,berina waxaa imaandoonta ilaa 3 diyaaradood oo gar gaar ah,”Xamdda Cabdalla.

Wasiir ku xigeenka Wasaardda gargaarka Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka  Cilmi Cumar Ceynsanye ayaa uga mahadceliyay dowladda Sucuudiga sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya.

“Waxaan halkani ku soo dhaweynaynaa wafdi ka socda Maliku Salmaan alkhayriyah,Waxaan uga mahadcelinaynaa dowladda
Sucuudiga,gar gaarkan ay ina soo gaarsiisay,waxaan leenahay ku soo dhawaada dalkiina labaad,sidoo kale waxaan uga
mahadcelinaynaa sida ay isaga xilsaareen gar gaarka caafimaad oo ay u fidiyeen dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo qabay kuwaasi oo lagu soo daweeyey, sida Yuusuf Cabdi iyo Maxamed Yuusuf, oo 6b bilood ka ay ku dhaawacmeen qarax
Muqdisho ka dhacay,” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gargaarka.

Tan iyo markii uu dhacay qarixii 14kii Oct-waxaa sii kordhayay gurmad kaladuwan oo ka kala imaanaya wadamada Caalamka,Sucuudiga ayaa kamid ah wadamada sida aadka ah u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhanka gargaarka.

You may also like

Guddoomiye Jawaari oo ka dalbaday Xukuumadda in la horkeeno tirada Ciidamada Shisheeye ee dalka ku sugan

Guddoomiye Jawaari oo ka dalba..

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ka dalbaday […]

read more
Kismaayo oo uu ka furmaayo shirkii Fiscal Federalism ee maareynta maaliyadda dalka

Kismaayo oo uu ka furmaayo shi..

Magaalada Kismaayo waxaa dhawaan ka furmaya shirkii saddexaad ee ku saabsan mideynta cashuuraadka iyo qaybsiga […]

read more
Wiil dhalinyaro ah oo lagu Gowracay Muqdisho

Wiil dhalinyaro ah oo lagu Gow..

Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan  gaar ahaan Xaafadda Soonakey  ee gobalka Banaadir ayaa waxa […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *