• (SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwanRead More
  • DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka JabuutiRead More
  • Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare DhacayRead More
  • SAWIRRO “Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Safiirka TurkigaRead More
  • Xildhibaano ka tirsan BF oo kormeeray xabsiga dhexe ee XamarRead More

SAWIRRO: Booliiska Puntland oo qabtay lacago faalso ah oo Fuustooyin lagu soo qariyay

Ciidamada booliiska maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay lacago shilin Soomaali faalso oo lagu soo qariyay fuustooyin, waxaana lacagahan been abuurka ah la doonayay in la galiyo Suuqa magaalada Boosaaso.

Ciidanka booliiska ee ku sugan Koontaroolka laga galo magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay gaari ay saarnaayeen fuustooyin lagu soo qariyay lacago been abuur ah, Fuustooyinkan ayaana afka laga soo alxamay si aan loo arag waxa ku dhax jira.

Taliyaha booliiska Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada qabteen lacago been abuur ah oo la doonayay in magaalada lagu khal khal galiyo laguna abuuro sicir barar, waxaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada qabteen dad la tuhmayo in lacagtaasi wateen.

Ciidanka booliiska ayaa lacagtan ay qabteen waxa ay ku wareejiyeen Wasaarada Maaliyada maamulka Puntland, waxaana booliiska uga mahad celiyay lacagtan ay qabteen Wasiirka Maaliyada ee maamulkaasi.

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland iyo deegaada kale ee maamulkaasi waxaa mudooyinkan ka jiray sicir barar baahsan, waxaana sicir bararkaasi sabab looga dhigay lacago faalso ah oo deegaanadaasi la geeyay .

You may also like

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwan

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiir..

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka ay maanta yeesheen oo uu […]

read more
DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Mu..

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Xildhibaano  reer jabuuti ah ay kamid yihiin […]

read more
Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare Dhacay

Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Da..

Dagaal dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay maanta suuqa magaalada […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *