• Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May oo is casishayRead More
  • Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray Masaajid loogu magac daray Axmed Saleebaan Dafle”Sawirro”Read More
  • Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More

SAWIRRO: Askar ka socota Sierra Leone oo soo gaaray Muqdisho una gudbay Kismaayo

SAWIRRO: Askar ka socota Sierra Leone oo soo gaaray Muqdisho

Ciidamo boolis ah oo ka socda dalka  Sierra Leone  ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,kuwaasi oo u sii gudbay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Tiradda ciidamadaan ayaa waxa ay gaarayaan  145 Askari oo isugu jira Askar iyo Saraakiil Waxaana ay qeyb ka noqon doonaan  tayaynta iyo tababaridda ciidanka booliska ee ka howlgala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,iyagoo haatan si gaar ah ugu amba baxay Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ayaa horey waxaa ugu sugnaa ilaa 15 saraakiil oo boolis ah,kuwaasi oo ka socda wadanka Sierra Leone,iyadoo imaatinka 145tan kalena lagu xoojinayo saraakiishaasi,waxaana tirada guud ay noqonaysaa ilaa 160 qof oo isugu jira saraakiil iyo askar boolis ah

Kusimaha taliyaha ciidanka Booliska


AMISOM Ms. Christine Alalo, ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan awood siinta iyo tayaynta ciidamo boolis ah oo ka tirsan Jubbaland,kuwaasi oo horey booliska AMISOM ay u tababareen.

“Hawlgalkooda ayaa noqon doona dhiiri galinta Ciidamada Bilayska Gobolka Jubbaland. Sannadkii 2016-ka, waxaan tababar u siinnay 600 askari oo bilayska ah oo ka tirsan Jubbaland, Sierra Leone FPU waxay gacan ka geysan doonaan sidii loo dhisi lahaa awoodna loogu siin lahaa howlahooda bilayska, “ayuu yiri Christine Alalo.

You may also like

Ra’iisul wasaaraha Ingir..

Ra’iisul wasaaraha dalka Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaadday inay xilka iska casishay, kaliya […]

read more
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray Masaajid loogu magac daray Axmed Saleebaan Dafle”Sawirro”

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xa..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u furay […]

read more
Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *