• “SAWIRRO”Madaxweyne Farmaajo oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee CaabudwaaqRead More
  • SAWIRO; Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia oo shir muhiim ah uga qeyb galay SacuudigaRead More
  • DAAWO MUQAAL: Madaxweyne Ku Xigenka Somaliland Oo Gaaray Tukaraq Iyo Xiisad Ka DhalatayRead More
  • SAWIRRO: Ciidamada Kenya ee galay Ceelwaaq oo Qarax ku bur buriyay Xarunta Shirkadda HormuudRead More
  • Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kusii jeedda dalka SwitzerlandRead More

Saraakiil ku baaqay in Imaaraatka Carabta la siiyo Qandaraaska Dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida

Iyadoo Burburkii dowladda dhexe kadib ay Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed ay ku wiiqmeen islamarkaana muddo sanado ah dalka aanu lahayn  Ciidan Qaran oo rasmi ah ayaa dowladihii ugu dambeeyay dalka waxa ay xiriiro qaar ka mid ah Dalalka Caalamka ah kala sameeyeen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladaha Doorka wax ku oolka ka geysanayay dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida Soomaaliyeed waxaa ka mid ah Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta oo iyadu dusha u ridatay Tababarka iyo bixinta Xuquuqahooda qeybo ka mid ah Ciidanka Soomaaliyeed.
Sidaas daraadeed ayaa qaar ka mid ah Saraakiishii hore ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay talo ku soo jeediyeen Imaaraatka Carabta loo daayo kaalintiisa oo ay si hufan uga soo dhalaali karto.
Col Maxamuud Cabdi Cumar oo ka mid ahaa Saraakiishii Dowladdii Dhexe Soomaaliya oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada ay haatan dowladda Imaaraatka Carabta u tababartay ay ka dhisan yihiin  Tayo ahaan iyo Anshax ahaan intaba maadaama ay tahay Dowlad Muslim ah oo Walaalo la ah Umadda Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka go’antahay in hantidooda u huraan Walaalahooda Soomaaliyeed..

Dhinaca kale Col Maxamuud Cabdinuur Cumar oo ah Sarkaal la soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Dowladda Cusub in fiiro gaar ah ay u yeelato Cidda mudan in ay iskaashi kala sameeyo dib u dhiska Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed isagoona cod dheer ku sheegay in dowladda Imaaraatka Carabta ay Soomaaliya u dhisi karto Ciidan Waxqabad leh kana dhisan Asluub wanaaga sida uu yiri.
Sidoo kale waxa uu ka digay Col Maxamuud Cabdinuur Cumar in Dowlado dhaqan ahaan iyo Diin ahayn aysan isku midka ahayn Soomaalida lagula deg dego in lagala kaashado dhismaha Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo Tusaale u soo qaatay Dowladda Turkey oo uu ku tilmamaay mid aan noo dhisi Karin Ciidan Anshax wanaagsan leh maadaama ay ku jiraan Turkey-da Dad Cilmaani ah , sidaas Daraadeed dowlad Dhaqan
fiican iyo Dakhliba aan ugu hiran karno ay tahay dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta.

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa lagu Amaanaa Tababarradii ay ka Aflaxeen Boqolaal Askari oo Ciidamo Soomaaliyeed ah kuwaas oo sidoo kale ay damaanad qaaday Mushaaraadkooda , Caafimaadkooda iyo adeegyada Ciidan ee ay u baahan yihiin sida Qalabka iyo Saanadooda Milatari.
Waxaana Imaaraatka Carabta dad badan oo Soomaaliyeed ku tilmaameen mid Hiil Walaal xilli loo baahnaa la garab istaagay Walaalahooda Soomaaliyeed oo bur burkii dowladdii dhexe kadib  ay kala daateen Ciidamadii Qalabka siday oo ber Maamuus  wax kool ah ka lahaa Qaaradda Africa iyo caalamka oo dhan.

You may also like

Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo

Qudus: Trump oo u digay dalalk..

Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo

read more
Dagaal Caawa ka dhacay Degmada Afgooye iyo Faah faahino kasoo baxaya

Dagaal Caawa ka dhacay Degmada..

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa caawa weerar ku qaaday Degmada […]

read more
Daawo Sawirada Wabiga Shabelle oo mara Dagmada afgooye ayaa Guray  sida idiinka muuqata  Sawiradan

Daawo Sawirada Wabiga Shabelle..

Daawo Sawirada Wabiga Shabelle oo mara Dagmada afgooye ayaa Guray sida idiinka muuqata Sawiradan.

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *