• “SAWIRRO”Madaxweyne Farmaajo oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee CaabudwaaqRead More
  • SAWIRO; Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia oo shir muhiim ah uga qeyb galay SacuudigaRead More
  • DAAWO MUQAAL: Madaxweyne Ku Xigenka Somaliland Oo Gaaray Tukaraq Iyo Xiisad Ka DhalatayRead More
  • SAWIRRO: Ciidamada Kenya ee galay Ceelwaaq oo Qarax ku bur buriyay Xarunta Shirkadda HormuudRead More
  • Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kusii jeedda dalka SwitzerlandRead More

SAFIIRKII DOWLADA WOQOOYIGA KUURIYA U FADHIYEY KUALA-LAMPUR OO 48 SAAC LOO SOO QABTAY

Kuala Lampur(INO)- Xukuumada Malaysia ayaa ceyrisay safiirkii dowlada woqooyiga Kuuriya u fadhiyey dalkaas, iyadoo loo qabtay inuu 48 saacadood kaga baxo wadanka.

Wasaaradda arrimaha dibeda ee Malaysia ayaa sheegtay Safiirkii waqooyiga Kuuriya Kan Chol uu noqday qof aan laga jeclayn dalka Malaysia sidaas awgeedna ay tahay.

Go’aanka masaafurinta ayaa ayaa yimid ka dib markii Danjiruhu diiday inuu tago Wasaaradda Arrimaha Dibedda Malaysia oo u yeertay, taasoo ka careysiisay masuuliyiinta dalkaas.

Arimahan ayaa salka ku haya dil sun loo adeegsaday oo dhowaan garoonka dayuuradaha Kuala Lampur loogu geystay nin la dhashay hogaamiyaha woqooyiga Kuuriya.

Kiiska dilka Kim Jong Nam ayaa xiisad Diplomaasiyadeed ka dhaliyey Dowladda Malaysia iyo Woqooyiga Kuuriya.
Laba dumar ah oo looga shakisan yahay dilka Kim Jong-nam, oo isku aabo ay yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un, ayaa lagu oogayaa dacwad ah dil bareer ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maleysia Jen. Maxamed Apandi Cali wuxuu sheegay in labadan qof oo ka soo kala jeeda Indonesia iyo Vietnam, si rasmi ah dacwadda loogu qaadi doono, iyadoo Haddii lagu helo inay dilkan ay wajihi doonaan xukun dil ah.

Kim Jong-nam, wuxuu muddo mucaarad ku ahaa qoyskiisa haya talada dalka Kuuriyada Woqooyi, waxaana la aaminsan yahay in walaalkiis Kim John Un oo ah madaxweynaha woqooyiga Kuuriya uu ka dambeeyey abaabulka dilkaas

You may also like

Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo

Qudus: Trump oo u digay dalalk..

Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo

read more
Dagaal Caawa ka dhacay Degmada Afgooye iyo Faah faahino kasoo baxaya

Dagaal Caawa ka dhacay Degmada..

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa caawa weerar ku qaaday Degmada […]

read more
Daawo Sawirada Wabiga Shabelle oo mara Dagmada afgooye ayaa Guray  sida idiinka muuqata  Sawiradan

Daawo Sawirada Wabiga Shabelle..

Daawo Sawirada Wabiga Shabelle oo mara Dagmada afgooye ayaa Guray sida idiinka muuqata Sawiradan.

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *