• Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May oo is casishayRead More
  • Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray Masaajid loogu magac daray Axmed Saleebaan Dafle”Sawirro”Read More
  • Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May oo is casishay

Ra’iisul wasaaraha dalka Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaadday inay xilka iska casishay, kaliya ma ahane inay xilka baneyso waxaa kalo ay iska casilaysa hoggaaminta xisbiga.

May oo ku dhibtootey inay Britain u horseedo ka bixitaanka Midowga Yurub ayaa hadda qiratay in la joogo xilligii uu ra’iisul wasaare cusub hoggaamin lahaa Ingiriiska.

“Hadda waa ay ii caddahay in waxa ugu wanaagsan dalka ay tahay in Ra’iisul wasaare cusub uu hoggaamiyo dadaalladan.. Sidaas darteed waxaan maanta ku dhowaaqayaa in aan iska casili doono hoggaaminta xisbiga Conservative-ka laga billaabo 7-da bisha June”. May ayaa sida sheegtay iyadoo inta ku dartay in xilka ra’iisul wasaaraha ay sii heyn doonto inta uu xisbiga ka keensan doono qofka iyada beddeli lahaa.

Hadal jeedin qiiro leh oo ka samaysay xafiiskeeda Downing Street hortiisa ayay ku sheegtay in ay isku dayday wax kasta oo karaankeeda ah oo ay humanti uga dhigi lahayd in la fuliyo go’aankii ka bixitaanka Midoowga Yurub ee lagu gaaray aftidii dadweynaha ee la qaaday kal hore.

“Waan dadaaley intii karaankayga ah.. waxaanse abid ka shallaayi doonaa inaanan hirgelin siyaasaddii Brexit.” ayay tiri waxayna intaas raacisay “Waxaan ahaa Ra’iisul wasaarihii labaad oo dumar ah, balse ma noqon doono tii ugu dambeysay.”

Go’aanka ay isku casishay waxaa ku tilmaamay wax wanagsan hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Jeremy Corbyn.

Theresa May ayaa xilka ra’iisul wasaaraha Britain qabatey sannadkii 2016kii kaddib markii uu is casilay David Cameron, waaana haweenaydii labaad ee Ingiriiska ra’iisal wasaare ka noqota.

You may also like

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray Masaajid loogu magac daray Axmed Saleebaan Dafle”Sawirro”

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xa..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u furay […]

read more
Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *