• Guddoomiye Jawaari oo ka dalbaday Xukuumadda in la horkeeno tirada Ciidamada Shisheeye ee dalka ku suganRead More
  • Kismaayo oo uu ka furmaayo shirkii Fiscal Federalism ee maareynta maaliyadda dalkaRead More
  • Wiil dhalinyaro ah oo lagu Gowracay MuqdishoRead More
  • Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Mas’uul cusubRead More
  • SAWIRRO: Wafdi ka socda QM oo yimid MuqdishoRead More

Rag looga shakisan yahay Shabaab oo lagu qabtay Puntland

Ciidanka Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa loo yaqaano PSF-ta ayaa gacanta ku dhigay Saddex nin oo looga shakisan yahay inay ururka Al-Shabaab ka tirsan yihiin.

Ciidanka Amniga Puntland ee (PSF) ayaa in ay qabtaan Saddex-da nin waxa ay ka dambeysay kadib hawlgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo laga fuliyey Buuraleyda degaanka Harweyne ee Buuraha Calmadow.

Raggan ayaa haatan waxaa gacanta ku haya Ciidanka Amniga Puntland, waxaana lagu hayaa mid ka mid ah xarumaha barista Ciidanka, si loo mariyo baaritaano dheeraad ah.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa sheegay ka maamul ahaan in ay ka go’an tahay in Puntland ay nabad ka dhigaan kana ciribtiraan kooxda Daacish iyo ururka Al-shabaab.

Ciidanka Daraawiishta, ayaa maalmo ka hor ku dhaqaaqay saldhigyada Daacish iyo Shabaab, iyagoo si feejignaan ay ku dheehan tahay ugu sii siqaaya saldhigyada kooxahaasi.

Madaxweyne Gaas, ayaa marar badan ku celceliyay in Puntland ay ka go’an tahay inay degaanadeeda ka sifeyso Daacish iyo Shabaab, maadaama Gaas uu sheegay labadan in ay ka wada siman yihiin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

You may also like

Guddoomiye Jawaari oo ka dalbaday Xukuumadda in la horkeeno tirada Ciidamada Shisheeye ee dalka ku sugan

Guddoomiye Jawaari oo ka dalba..

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ka dalbaday […]

read more
Kismaayo oo uu ka furmaayo shirkii Fiscal Federalism ee maareynta maaliyadda dalka

Kismaayo oo uu ka furmaayo shi..

Magaalada Kismaayo waxaa dhawaan ka furmaya shirkii saddexaad ee ku saabsan mideynta cashuuraadka iyo qaybsiga […]

read more
Wiil dhalinyaro ah oo lagu Gowracay Muqdisho

Wiil dhalinyaro ah oo lagu Gow..

Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan  gaar ahaan Xaafadda Soonakey  ee gobalka Banaadir ayaa waxa […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *