• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo

Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu deeqaha ka jaran doono dalalka taageeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagaga soo horjeedsaday in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Bishan horraanteedii ayuu Trump gaaray go’aankaas iyadoo caalaamka aad looga dhaliilay.

“Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta.

“codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doonta.”

Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.

Qudus: “Dharbaaxada qarniga” iyo Jawaabta Bariga dhexe
Mareykanka oo codka Veto u adeegsaday qaraar ku saabsanaa Qudus
Qudus: Erdogan iyo Netanyahu oo hadallo kulul is waydaarsaday
Qaraarkan qabyada ah ma xusayo Maraykan balse wuxuu leeyahay go’aankaste oo Qudus ku saabsan waa in meesha laga saaro.
Bishan horraanteedii ayay safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley uga digtay dalalka xubnaha ka ah in madaxweyne Trump uu waydiistay in ay la soo wadaagto dalalka aan codkooda siinin Khamiista.

Faalo kooban
waxaa diyaarisay Nada Tawfik oo ka tirsan BBC New, oo ku sugan New York

Madaxweyne Trump iyo safiirad Haley waxay isku dayayaan in ay awood adeegsadaan badalkii dublamaasiyadda si ay dalalka ugu dhaliyaan in ay codkooda la garab istaagaan.

Dhanka Washington hadii laga fiiriyo arrinta in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ayna go’aansadaan in ay safaaraddooda u wareejistaan halkaas waxay u arkaan xaq ay u madax bannaan yihiin.

Balse sidaas ma aha sida ay wax u arkaan dalalka Qaramada Midoobay ku bahaysan.

Madaxwayne Putin oo ka digey go’aankii Trump ee Qudus
Qudus: Sidee caasimadaha loo doortaa maxayse ka dhigan yihiin?
Diidmada oogu daran waxay si aan qaadansho waa lahayn uga imanaysaa dalalka Maraykanka ka soo horjeeda.

Dhanka kalana dalal xulafo la ah Maraykanka ayaa goodinta Maraykanka ku tilmaamay hanjabaad maran ama aan meelna gaarsiisnayn.

Dublamaasi sare ayaana ii sheegay in ay caddahay in Maraykanka ay ka go’antahay in uu Israa’iil ku garab istaago Qaramada Midoobay, laakiin uu ka shakisan yahay in Washington ay gargaarka ka jari doonto Masar oo soo dhigtay qaraarkii Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhicisoobay kaas oo ku qotama midkan Golaha loo dhan yahayna.
Waxayna u badan tahay in Gollaha Loo dhan uu isku dhan ka mari doono Maraykanka Khamiista, iyadoo caalamka intiisa kale uu Trump u sheegi doono in uusan la qabin go’aanka uu Qudus ka qaatay.

Arrinta Qudus ayaana ah xudunta mashaakilka dhex yaalla Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Erdogan: Arrinta Qudus Muslimiinta waxay ug dhigan tahay khad cas
Erdogan: Qudus waa “in ay noqoto caasimadda Falastiin”
Afar Arrimood oo laga fahmay go’aankii Trump ee Qudus
Israa’iil ayaa qabsatay bariga magaalada Qudus oo ay markii hore haysatay Urdun ka dib markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967dii, waxayna u arkeen in ay tahay caasimaddooda aan lakala qaybin karin.

Falastiiniyiintuna waxay sheegtaan in Bariga Qudus ay tahay caasimaddooda muqtaqbalka ayna tahay waxa lagaga wada hadli doono qaybaha dambe ee wadahadallada nabada.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *