• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay garoon Kubadda lagu cayaaro degmada Baraawe

Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ilaa afar dhalinyaro ah ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax galabnimadii maanta oo Khamiis ah ka dhacay garoon Kubadda lagu cayaaro.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu asiibay dhalinyaro Kubadda ku cayaareysay meel garoon ah, waxaana la sheegay in cayaartan aheyd Semi-Finalka cayaaro degamada ka socday oo ay isku arkayeen kooxo lagu kala magacaabo Elman iyo SYL.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay qaraxan inay ku dhinteen afar qof, sidoo kalena ay dhaawacmeen dad ku dhaw 10 kale, kuwaasoo la dhigay Isbitaalada Magaalada.

Wuxuu sheegay Qaraxan inay ka dambeeyaan ururka Al-Shabaab, isaga oo intaa raaciyay in Hay’adaha ammaanka ay ku daba jiraan raggii falkan ka dambeeyay, ayna rajeynayaan inay gacanta ku soo dhigaan.

Dadka qaraxa ku wax-yeeloobay ayaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaro xilligaasi daawaneysay ciyaar kubada cagta ah.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *