• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Putin oo gardaro cad ku tilmaamay weerarka Suuriya

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si ba’an u cambaareeyey weerarka ay reer Galbeedku ku qaadeen Suuriya oo ay dalkiisa xulufo yihiin.

Warbixin laga baahiyey Telefishanka dawladda ayuu Putin “si adag ugu cambaareeyey” weerarkaas waxaanu yidhi duqaynta Suuriya waa “fal gardarro cad ah” waxaanu intaa ku daray in hubka kiimikada ah ee la sheegay in lagu weerary magaalada Duuma ee Suuriya todobaadkii hore, uu ahaa shirqool la maleegay oo looga gol lahaa in marmarsiiyo looga dhigto weerar lagu qaado Suuriya.

Ra’isal wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, oo haatan shir jaraa’id oo socda oo ay ka hadlaysa oo ay ku faahfaahinayso duqaynta reer Galbeedka ee Suuriya, ayaa tidhi cid aan ahayn dawladda Suuriya ma ay qaadin weerarka hubka kiimikada lagu sheegay ee lagu qaaday magaalada Duuma todobaadkii hore.

“Waanu og-nahay in maamulka Suuriya uu leeyahay caado xun oo ah inuu hubka kiimikada ah u adeegsado dadkiisa” ayey tidhi May, waxaanay hadalkeeda ku dartay oo sheegtay in taalabadaa laga qaaday dawladda Suuriya tahay mid “sharci iyo gar labadaba ah” laakiin aanay doonayn in ay xukuumadeedu faraha la gasho dagaalka sokeeye ee ka socda Suuriya.

Xigashada Warkan BBC

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *