• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Puntland oo Go’aan Cusub ka soo Saartay Isticmaalka Lacagta Duuga ah.

shirka gollaha wasiiradda dowladda Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne K/xigeenku  c/xakiim Cabdullaahi xaaji Cumar ayaa lagaga dooday dhibaatadda ka taagan shilinka Soomaaliga ee suuqyadda magaalooyinka waaweyne  ee Puntland.

Golluhu wuxuu ugu dambayntii go’aan ka soo saaray lacagta la qaadanayo iyo midda aan la qaadanayn, waxayna sheegeen in Puntland laga ogolyahay  oo kaliya isticmaalka lacagta tayada leh, waxayna mamnuucday isticmaalka lacagta duuga ee shiling Somaliga ah.

“Gollaha xukuumadda dowladda Puntland ayaa maanta (shalay) soo saaray go’aamo ku aadan lacagta shilling Soomaaliga ah ee laga isticmaalayo Puntland  waxayna golluhu sheegeen in Puntland laga oggol yahay lacagta tayada leh ee isticmaalka ku jirta, islamarkaana laga mamnuucay Puntland isticmaalka lacagta been abuurka ah, midda aan tayada lahayn ee duugga ah” ayaa lagu yiri warsaxafadeedkii ka soo baxay shirkii gollaha wasiiradda ee maalintii shalay ka dhacay caasimadda Garoowe.

Ganacsatada iyo dadweynaha Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka cabanayay lacag duug ah oo soo buuxdhaafisay suuqyadda, taasi oo ganacsatadu ay diideen inay qaataan oo isticmaalaan, waxaa kaloo lacagtaasi diiday inay cashuur ahaan u qaataan Dowladaha hoose iyo waaxda cashuuraha beriga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Lacag ka badan 10 Bilyan oo shilin Soomaaliga duug ah ayaa haatan taala bangiga Garoowe, taasi oo ahayd mid duug ah oo ay qabteen ciidamadda ilaalada Kontorooladda Puntland, waxaana laga keenay goboladda koonfureed ee dalka, iyadoo la doonayay in la soo geliyo suuqyadda, mana cadda sida laga yeeli doono lacagtaasi oo haatan u muuqata in gebi ahaanba laga diiday suuqyada Puntland.

Go’aanka cusub ee ka soo baxay Gollaha wasiiradda wuxuu dhiirigalinayaa oo kaliya in dadweynuhu isticmaalaan lacagta shilinka cad-cad ee sida weyn looga isticmaalo gudaha Puntland iyo lacago kale oo lagu sheegay inay tahay mid gudguduudan oo tayadeedu sarayso, taasi oo la hubin in ganacsatadu ay sii wadayaan isticmaalkeeda iyo inkale.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *