• Israel, Iran iyo Sacuudiga oo hadalo kulul isku dhaafsaday shirkii MunichRead More
  • Golaha Wasiirada oo kulan deg deg ka yeelanaya Muranka u dhexeeya wasaarada maaliyada iyo ganacsatada.Read More
  • Madaxweynaha Jubbaland oo ka qeyb qaatay Dhexdhexaadinta ONLF iyo ItoobiyaRead More
  • Wararkii ugu dambeeyay qarax shacab ay ku dhinteen oo ka dhacay Sh.hooseRead More
  • Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga oo todobaadka soo socda booqasho ku imaanaya Soomaaliya.Read More

Nin kale oo loo Qabtay Weerarkii London

Booliska dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ay xireen qof labaad oo looga shakisanyahay inuu ku lug lahaa weerarkii bambaano ee Jimcihi lagu qaaday tareenka dhulka hoostiisa mara ee London.

Bayaan kasoo baxay booliska Britain ayaa lagu sheegay in ay xireen nin 21 jir ah, kaasoo laga soo qabtay xaafadda Hounslow ee galbeedka magaalada London oo inta badan ay dagaan shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport.

Sabtidii shalay aheydna, booliska ayaa xiray wiil 18 jir ah kaasoo laga soo qabtay dekadda Dover ee ay ka baxaan gaadiidka badda ee isaga kala gooasha inta u dhaxeeya Britain iyo France.

Taliye ku xigeenka booliska London Neil Basu ayaa sheegay in xarigi hore uu muhiim ugu ahaa soo qabashada qof kale ee ay boolisku maanta xireen.

Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in ay sare u qaaday heerka feejignaanta dhinaca khatarta, kadib weerarki bambo ee ka dhacay London Jimcihii.
Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi.

You may also like

Israel, Iran iyo Sacuudiga oo hadalo kulul isku dhaafsaday shirkii Munich

Israel, Iran iyo Sacuudiga oo..

Axadii shalay ayey hogaamiyayaasha dalalkaasi khudbadahooda kasoo jeediyeen shirka sanadlaha ah ee looga hadlo Amniga […]

read more
Golaha Wasiirada oo kulan deg deg ka yeelanaya Muranka u dhexeeya wasaarada maaliyada iyo ganacsatada.

Golaha Wasiirada oo kulan deg..

Waxaa Maanta lagu wadaa in Kulan Deg deg ah ay golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ay […]

read more
Madaxweynaha Jubbaland oo ka qeyb qaatay Dhexdhexaadinta ONLF iyo Itoobiya

Madaxweynaha Jubbaland oo ka q..

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay  in Ciidamada Darawiishta Dowlad […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *