Dadweynaha Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay safaradda uu Ra段isul Wasaare Saacid ku tagayo Gobollada Dalka
Kaddib markii la magacaabay ra段isul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa wuxuu ku tagay gobollada dalka booqashooyin uu ugu kuugalayo xaaladaha ka jira gobollada dalka, taasoo ay shacabka Sooamaliyeed aad u soo dhaweeyeen.
Ra段isul wasaare Saacid ayaa booqasho taariikhi ah oo aan horay u dhici ku tagay magaalada Kismaayo, iyadoo mas置ul dowladeed uusan degmadaas ku tegin tan iyo markii dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii.
Booqashadan ayaa waxay ahayd mid uu ku bixiyay waqtigii ugu badnaa ee uu ku bixiyo booqasho uu ku tagay gobol ku yaalla Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu u kuurgalay xaaladda ay ku nool dadka ku nool magaaladaas iyo howlaha kala duwan ee ka socda. Iyadoo dadka ku nool Kismaayo ay u soo dhaweeyeen booqashadaas.
Ra段isul waaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay intii ay ku sugnaayeen degmada Kismaayo kulammo la qaateen maamulka KMG ah ee magaaladaas, qaybaha bulshada, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo uu ku ammaanay howsha ay halkaas ka hayaan.
Dadka ku nool magaalada Kismaayo iyo shacabka intiisa kale ayaa muujiyay dareen farxadeed oo ay u qabaan booqashada wafdiga ra段isul wasaaruhu ay ku tageen Kismaayo, iyagoo sheegay in ra段isul wasaaraha uu yahay kii ugu horreeyay ee booqda magaaladaas, halka kuwii ka horreeyay ay iska fariisan jireen Muqdisho ama ay u bixi jireen safarro dibadeed.
Booqashada Ra段isul wasaaraha oo qaadatay saddex maalmood ayaa indhaha dadka Soomaaliyeed kusoo jeedisay sida xukuumadda ay uga go誕n tahay u kuur-gelidda xaaladaha dhabta ah ee ka jira gobolada dalka ee dowladda ay ka taliso, taasoo ay dalka intiisa badani ku tilmaameen mid loo baahnaa.
Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay wafdiga ra段isul wasaaraha markii ay shalay kasoo laabteen Kismaayo, iyadoo ay soo dhaweeyeen boqolaal dadweynaha reer Muqdisho ah iyo mas置uliyiinta kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.